Thursday, October 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababar Muhiim ah oo La Siiyay Shaqaalaha Dowladdaha Hoose “War-Saxaafadeed+Sawirro”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Tababar Muhiim ah oo La Siiyay Shaqaalaha Dowladdaha Hoose “War-Saxaafadeed+Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, December 2, 2016 – In ka badan 27 xubnood ayaa kasoo qeyb galay tababar socday afar cisho oo looga gol-lahaa sidii kor loogu qaadi lahaa xirfada iyo aqoonta shaqaalaha dowladaha hoose. Tababarka oo ka dhacay Hotel Coconut ayaa waxaa wadajir usoo qaban-qaabiyay Xafiiska Xasilinta ee ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, kuwaas oo taageera howlaha xasilinta ee ka socda degmooyinka ay dhowaan dowladda gacanta ku dhigtay.

“Hawl-wadeenadu waxay laf-dhabar u yihiin dadaaladda xasilinta ee ka hanaqaaday degmooyinka dowladu dib ula wareegtay” ayuu yiri Xoghayaha Wasaaradda, Dr. Yaxye Ali Ibrahim, oo hadal ka jeediyay munaasabada furitaanka tababarka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Wuxuu intaas ku daray, “tababarkan waxaa looga gol leeyahay in la kobciyo xirfada iyo tayada  shaqaalaha ka howlgala degmooyinka dowladu dib-ulawareegtay. Shaqada ugu mihiimsan xiiriyayaasha iyo kalkaaliyayaasha degmooyinku waa in ay xoojiyaan sidii loo hormarin lahaa xiriirka ka dhexeeya degmooyinka iyo maamul goboleedyada.”

Tababarka ayaa waxaa lagu soo bandhigay hanaanka iibka iyo maaliyada, qaabka loo cabiro degmooyinka nugul iyo kuwa xasiloon, habka warbixinta loo gudbiyo, maareynta khilaafka, tiiraanyo bixinta iyo ka-feejignaanta halista oo dhamaantood muhiim u ah shaqaalaha dowladdaha hoose.

“Hadaba, ma ahan markii ugu horeysay oo tababar noocan ah ay bixiso Wasaaradda. Waxaa hada ka hor dhacay mid lagu xoojinayo farsamada iyo xirfada shaqaalaha si loo horumariyo howlaha xasilinta ee ka socda degmooyinka muhiimka ah.

Sidoo kale, Wasaaradda waxaa ka go’an in ay gacan ka geysato tayeynta xirfada shaqaalaha, gaar ahaan, degmooyinka ay dowladdu dhawaan kala wareegtay argagixisada iyo kooxaha nabad-diidka ah.

DHAAMAD

IMG-20161129-WA0004 IMG-20161129-WA0006

Previous Post

FAALO: Go’doominta Al-shabaab iyo Gaajada Shacabka

Next Post

Ra’iisul Wasaare Sharma’arke oo kulan la qaatay Xildhibaanada laga soo doortay Jubbaland “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Sharma’arke oo kulan la qaatay Xildhibaanada laga soo doortay Jubbaland “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Sharma’arke oo kulan la qaatay Xildhibaanada laga soo doortay Jubbaland "SAWIRRO"

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In