Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababar Muhiim ah oo La Siiyay Shaqaalaha Dowladdaha Hoose “War-Saxaafadeed+Sawirro”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Tababar Muhiim ah oo La Siiyay Shaqaalaha Dowladdaha Hoose “War-Saxaafadeed+Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, December 2, 2016 – In ka badan 27 xubnood ayaa kasoo qeyb galay tababar socday afar cisho oo looga gol-lahaa sidii kor loogu qaadi lahaa xirfada iyo aqoonta shaqaalaha dowladaha hoose. Tababarka oo ka dhacay Hotel Coconut ayaa waxaa wadajir usoo qaban-qaabiyay Xafiiska Xasilinta ee ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, kuwaas oo taageera howlaha xasilinta ee ka socda degmooyinka ay dhowaan dowladda gacanta ku dhigtay.

“Hawl-wadeenadu waxay laf-dhabar u yihiin dadaaladda xasilinta ee ka hanaqaaday degmooyinka dowladu dib ula wareegtay” ayuu yiri Xoghayaha Wasaaradda, Dr. Yaxye Ali Ibrahim, oo hadal ka jeediyay munaasabada furitaanka tababarka.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Wuxuu intaas ku daray, “tababarkan waxaa looga gol leeyahay in la kobciyo xirfada iyo tayada  shaqaalaha ka howlgala degmooyinka dowladu dib-ulawareegtay. Shaqada ugu mihiimsan xiiriyayaasha iyo kalkaaliyayaasha degmooyinku waa in ay xoojiyaan sidii loo hormarin lahaa xiriirka ka dhexeeya degmooyinka iyo maamul goboleedyada.”

Tababarka ayaa waxaa lagu soo bandhigay hanaanka iibka iyo maaliyada, qaabka loo cabiro degmooyinka nugul iyo kuwa xasiloon, habka warbixinta loo gudbiyo, maareynta khilaafka, tiiraanyo bixinta iyo ka-feejignaanta halista oo dhamaantood muhiim u ah shaqaalaha dowladdaha hoose.

“Hadaba, ma ahan markii ugu horeysay oo tababar noocan ah ay bixiso Wasaaradda. Waxaa hada ka hor dhacay mid lagu xoojinayo farsamada iyo xirfada shaqaalaha si loo horumariyo howlaha xasilinta ee ka socda degmooyinka muhiimka ah.

Sidoo kale, Wasaaradda waxaa ka go’an in ay gacan ka geysato tayeynta xirfada shaqaalaha, gaar ahaan, degmooyinka ay dowladdu dhawaan kala wareegtay argagixisada iyo kooxaha nabad-diidka ah.

DHAAMAD

IMG-20161129-WA0004 IMG-20161129-WA0006

Previous Post

FAALO: Go’doominta Al-shabaab iyo Gaajada Shacabka

Next Post

Ra’iisul Wasaare Sharma’arke oo kulan la qaatay Xildhibaanada laga soo doortay Jubbaland “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Sharma’arke oo kulan la qaatay Xildhibaanada laga soo doortay Jubbaland “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Sharma’arke oo kulan la qaatay Xildhibaanada laga soo doortay Jubbaland "SAWIRRO"

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In