Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababare Soomaali ah oo Spain lagu xirey

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Tababare Soomaali ah oo Spain lagu xirey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Macalim Soomaaliyeed ah  oo tababare u ah gabadha heysata orodka  1,500-meter ee aduunka oo lagu magacaabo,Genzebe Dibaba, oo u dhalatay dalka Ethiopia ayaa la xirey isaga iyo macalim  kale oo dalka Maraco u dhashay, kadib markii booliiska dalka Spain ay weerar ku qaadeen Hotel ay deganaayeen raggaas oo heley dawooyinka mamnuuca ka ah ciyaartoyda.

Hey’adda maamusha ciyaaraha fudud ee IAAF ayaa baaritaan ku sameysay 28 kamid ah 30 ciyaaryahan ee Hotelka deganaa kaas oo ku yaala deegaanka Sabadell oo 25km u jira magaalada Barcelona, hase yeeshee wax faahfaahin ah lagama bixin tababaraha reer Maroco ee lala xirey Jaamac Aadan Karaaiin.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Booliiska ayaa sheegay in Jaamac iyo tababaraha kale sababta loo xirey ay tahay markii lagu eedeeyay in ay maamuleen isla markaana qeybinayeen  dawooyinka mamnuuca ah ee loo yaqaano (Doping) si ay u waxyeeleeyaan caafimaadka guud.

IAAF oo ah hey’adda maamusha ciyaaraha fudud ayaa sheegtay in xarigan uu yahay natiijadii ka dhalatay baaritaanadii la soo bilaabay sanadkii 2013-ka

“IAAF waxaa ay adeegsan doonaa wax kasta oo ay heli karto si loo ilaaliyo awooda  nadiifnimada ciyaaryahnada si loo dhowro sharafta Sportiga,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay IAAF. “ Kuwa la bartilmaameedsaday ayaa waxaa ku jira shakhsiyaad iyo tababariyaal kuwaas oo ku howlanaa in ay kharibaan ciyaartoyda ciyaaraha fudud isla markaana kor u qaadaya isticmaalka waxyaabaha la mamnuucay.”

Hey’adda ka hortagga waxyaabaha la mamnuucay ee dalka Spain ayaa feejignaan  geliyay saraakiisha maxaliga  tan iyo sanadkii 2015 taas oo ka dambeysay weerarka lagu qaaday Hotelka  Arrahona oo u dhow goob ay ku tabababartaan ciyaaryahnada isu diyaarinaya ka qeybgalka ciyaaraha Olympic-da ee lagu qaban doono magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil.

Ilaa 60 kamid ah dawooyinka la isku mudo ayaa laga heley Hotelka ay tababariyaashan deganaayeen, inkastoo uusan booliiska sheegin in dhammaan walxahan laga heley qolka Jaamac Aadan.

Ciyaaryahanka caanka ah e asalkiisu Soomaaliga yahay isla markaana u orday dalka Britain Mo Farah ayaa iska fogeeyay in uu wx xiriir ah uu la lahaa Jaamac Aadan kadib markii lala xiriiriyay  Mo Farh tababare Jaamac Karaaiin.

Madaxda maxaliga ah ayaa laga filneynin in ay soo saaraan warar dheeraad ah oo ku saabsan xariga, iyadoo Hotelka booliiska ay weerareen ciyaaryahnada deganaa ayaa waxaa kamid ah Genzebe Dibaba waxayna ka soo jeedeen dalalka Soomaaliya, Ethiopia, Djibouti, Algeria, Sacuudiga Carabiya, Masar and Qatar.

 

Previous Post

Tartamayaasha degmada Yaaqshiid oo caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka “SAWIRRO+DHAGEYSO”

Next Post

Buug ka hadlaya dhibaatada Soomaalida ku heysata ku ah South Africa oo lagu soo bandhigay Johannesburg-Sawirro

Next Post
Buug ka hadlaya dhibaatada Soomaalida ku heysata ku ah South Africa oo lagu soo bandhigay Johannesburg-Sawirro

Buug ka hadlaya dhibaatada Soomaalida ku heysata ku ah South Africa oo lagu soo bandhigay Johannesburg-Sawirro

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In