Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababare Soomaali ah oo Spain lagu xirey

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Tababare Soomaali ah oo Spain lagu xirey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Macalim Soomaaliyeed ah  oo tababare u ah gabadha heysata orodka  1,500-meter ee aduunka oo lagu magacaabo,Genzebe Dibaba, oo u dhalatay dalka Ethiopia ayaa la xirey isaga iyo macalim  kale oo dalka Maraco u dhashay, kadib markii booliiska dalka Spain ay weerar ku qaadeen Hotel ay deganaayeen raggaas oo heley dawooyinka mamnuuca ka ah ciyaartoyda.

Hey’adda maamusha ciyaaraha fudud ee IAAF ayaa baaritaan ku sameysay 28 kamid ah 30 ciyaaryahan ee Hotelka deganaa kaas oo ku yaala deegaanka Sabadell oo 25km u jira magaalada Barcelona, hase yeeshee wax faahfaahin ah lagama bixin tababaraha reer Maroco ee lala xirey Jaamac Aadan Karaaiin.

Related posts

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026

Booliiska ayaa sheegay in Jaamac iyo tababaraha kale sababta loo xirey ay tahay markii lagu eedeeyay in ay maamuleen isla markaana qeybinayeen  dawooyinka mamnuuca ah ee loo yaqaano (Doping) si ay u waxyeeleeyaan caafimaadka guud.

IAAF oo ah hey’adda maamusha ciyaaraha fudud ayaa sheegtay in xarigan uu yahay natiijadii ka dhalatay baaritaanadii la soo bilaabay sanadkii 2013-ka

“IAAF waxaa ay adeegsan doonaa wax kasta oo ay heli karto si loo ilaaliyo awooda  nadiifnimada ciyaaryahnada si loo dhowro sharafta Sportiga,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay IAAF. “ Kuwa la bartilmaameedsaday ayaa waxaa ku jira shakhsiyaad iyo tababariyaal kuwaas oo ku howlanaa in ay kharibaan ciyaartoyda ciyaaraha fudud isla markaana kor u qaadaya isticmaalka waxyaabaha la mamnuucay.”

Hey’adda ka hortagga waxyaabaha la mamnuucay ee dalka Spain ayaa feejignaan  geliyay saraakiisha maxaliga  tan iyo sanadkii 2015 taas oo ka dambeysay weerarka lagu qaaday Hotelka  Arrahona oo u dhow goob ay ku tabababartaan ciyaaryahnada isu diyaarinaya ka qeybgalka ciyaaraha Olympic-da ee lagu qaban doono magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil.

Ilaa 60 kamid ah dawooyinka la isku mudo ayaa laga heley Hotelka ay tababariyaashan deganaayeen, inkastoo uusan booliiska sheegin in dhammaan walxahan laga heley qolka Jaamac Aadan.

Ciyaaryahanka caanka ah e asalkiisu Soomaaliga yahay isla markaana u orday dalka Britain Mo Farah ayaa iska fogeeyay in uu wx xiriir ah uu la lahaa Jaamac Aadan kadib markii lala xiriiriyay  Mo Farh tababare Jaamac Karaaiin.

Madaxda maxaliga ah ayaa laga filneynin in ay soo saaraan warar dheeraad ah oo ku saabsan xariga, iyadoo Hotelka booliiska ay weerareen ciyaaryahnada deganaa ayaa waxaa kamid ah Genzebe Dibaba waxayna ka soo jeedeen dalalka Soomaaliya, Ethiopia, Djibouti, Algeria, Sacuudiga Carabiya, Masar and Qatar.

 

Previous Post

Tartamayaasha degmada Yaaqshiid oo caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka “SAWIRRO+DHAGEYSO”

Next Post

Buug ka hadlaya dhibaatada Soomaalida ku heysata ku ah South Africa oo lagu soo bandhigay Johannesburg-Sawirro

Next Post
Buug ka hadlaya dhibaatada Soomaalida ku heysata ku ah South Africa oo lagu soo bandhigay Johannesburg-Sawirro

Buug ka hadlaya dhibaatada Soomaalida ku heysata ku ah South Africa oo lagu soo bandhigay Johannesburg-Sawirro

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

January 6, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob. Goluhu wuxuu si adag uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In