Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo la soo gabagabeeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 months ago
in Wararka
0
Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo la soo gabagabeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Ibraahim Bilaal, ayaa maanta soo xiray aqoon isweydaarsi aba maalmood socday ee ku saabsanaa Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Tababarkan, oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa ka qeyb galay 20 suxufi oo ka kala socday xarumo warbaahinta Koofur Galbeed.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026

Agaasimaha Waaxda Istiraatiijiyadda Warbaahinta ee Wasaaradda Warfaafinta heer Federaal, Mudane Cabdishakuur Cali Axmed, ayaa tilmaamay in ujeeddada tababarka ay tahay xoojinta fahamka saxafiyiinta ee tabinta doorashooyinka si waafaqsan mabaadi’da saxaafadda iyo shuruucda doorashooyinka, isaga oo uga mahadceliyay suxufiyiinta ka faa’iideystay

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Koonfur Galbeed, Mudane Muxudiin Xasan Maxamed (Xusni), ayaa bogaadiyay iskaashiga labada wasaaradood, wuxuuna ku booriyay suxufiyiinta inay dhaqan geliyaan aqoonta ay ka heleen aqoon-isweydaarsigan.

Mudane Maxamed Bilaal Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Koofur Galbeed ayaa gabagabadii Tababarka sheegay in Aqoon isweydaarsigani ku soo aaday xilli loo baahnaa oo waddanka oo dhami ay ka socoto diiwaan galinta codbixjyayaasha doorashooyinka, waxaana uu kula dardaarmay suxufiyiinta kor u qaadista baahin ku dhisan mabaadi’da warbaahinta iyo hufnaanta doorashooyinka.

Tababarkan ayaa noqonaya kii labaad ee ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo ay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ku qabato dalka iyada oo kaashanaysa Xafiiska Qaramada Midoobay ee xilliga kala guurka ( UNTMIS) wuxuuna qeyb yahay tixane tababar ah oo lagu horumarinayo fahamka doorashooyinka iyo kaalinta muhiimka ah ee warbaahinta Soomaaliyeed.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Aljeeriya

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Agaasimaha Xafiiska UNSOS ee Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Agaasimaha Xafiiska UNSOS ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Agaasimaha Xafiiska UNSOS ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
0

R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In