Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo la soo gabagabeeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo la soo gabagabeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Ibraahim Bilaal, ayaa maanta soo xiray aqoon isweydaarsi aba maalmood socday ee ku saabsanaa Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Tababarkan, oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa ka qeyb galay 20 suxufi oo ka kala socday xarumo warbaahinta Koofur Galbeed.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Agaasimaha Waaxda Istiraatiijiyadda Warbaahinta ee Wasaaradda Warfaafinta heer Federaal, Mudane Cabdishakuur Cali Axmed, ayaa tilmaamay in ujeeddada tababarka ay tahay xoojinta fahamka saxafiyiinta ee tabinta doorashooyinka si waafaqsan mabaadi’da saxaafadda iyo shuruucda doorashooyinka, isaga oo uga mahadceliyay suxufiyiinta ka faa’iideystay

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Koonfur Galbeed, Mudane Muxudiin Xasan Maxamed (Xusni), ayaa bogaadiyay iskaashiga labada wasaaradood, wuxuuna ku booriyay suxufiyiinta inay dhaqan geliyaan aqoonta ay ka heleen aqoon-isweydaarsigan.

Mudane Maxamed Bilaal Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Koofur Galbeed ayaa gabagabadii Tababarka sheegay in Aqoon isweydaarsigani ku soo aaday xilli loo baahnaa oo waddanka oo dhami ay ka socoto diiwaan galinta codbixjyayaasha doorashooyinka, waxaana uu kula dardaarmay suxufiyiinta kor u qaadista baahin ku dhisan mabaadi’da warbaahinta iyo hufnaanta doorashooyinka.

Tababarkan ayaa noqonaya kii labaad ee ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo ay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ku qabato dalka iyada oo kaashanaysa Xafiiska Qaramada Midoobay ee xilliga kala guurka ( UNTMIS) wuxuuna qeyb yahay tixane tababar ah oo lagu horumarinayo fahamka doorashooyinka iyo kaalinta muhiimka ah ee warbaahinta Soomaaliyeed.

 

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Aljeeriya

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Agaasimaha Xafiiska UNSOS ee Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Agaasimaha Xafiiska UNSOS ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Agaasimaha Xafiiska UNSOS ee Soomaaliya

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In