Tababbar sare loogu qaadayo xirfadda qaar ka mid ah suxufiyiintaย ka howl-gala magaalada Muqdisho ayaa maanta ka furmay wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska.
Tababbarkaan ay soo qaban-qaabisay wasaaradda warfaafintaย ย ayaa ka furmay isla xuruunta wasaaradda ,waxa uuna soconayaa muddo labo maalmood ah,waxaana ka faaโiidaysan doono qaar ka mid ah suxufiyiintaย ka howl-gala warbaahinta qaranka, ardayda kulliyadda saxaafadda ee jaamacadda ummadda Soomaaliyeed(JUS),iyoย warbaahintaย gaarka loo leeyahay,
Wasaarada warfaafinta XFS ayaa dadaal xoogan ugu jirto sidii ay wariye-yaasha Soomaaliyeed aqoontoodaย iyo xifaddooda u kordhin laheyd si ay dalka iyo dadka si hufan ugu adeegaan.



















