Thursday, October 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taiwan oo Raadaar ku rakibeysa Xeebaha Soomaaliya

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Taiwan oo Raadaar ku rakibeysa Xeebaha Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Taiwan  ayaa  waxay heshiis iibsi Radaar ilaaliya ammaanka xeebaha Soomaaliya la gashay shirkad Mareykan ah oo ku takhasustay ilaalinta   Xeebaha iyo Maraakiibta maraysa biyaha intaba.

Shabakada  Raadaarka ah waxay leedahay shan qeybood  oo isgaarsiin ah  iyo Saldhigyo  laga sameynayo xeebaha dekedaha  shan magaalo  oo ka tirsan Soomaaliya oo kala ah Muqdisho, Berbera, Kismaayo, Boosaaso iyo Hobyo waxayna shabakadan ka saacideysaa dekedahaasi  amniga Maraakiibta  iyo maamulka howlaha dekedehaasi.

Related posts

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026

Sidoo kale qorshan ayaa ah mid lagu saacidayo  howlgalka  midowga Yurub ee afduubka ka ilaaliyaha Maraakiibta xamuulka qaada ee maraya  biyaha Xeebaha badaha Soomaaliya.

Heshiiskaasi oo ay wada  saxiixeen shirkad midowga Yurub hoos tagta iyo wakiil ka socoday dowlada Taiwan  waxaa ku baxayaa lacag dhan 166 Milyan oo doollar,taasi oo ujeedkoodu yahay in lagu horumariyo   isgaarsiinta badaha Soomaaliya si ay Maraakiibta ugu sahasho inay nabad gelyo ku maraan  iyo si si deg deg ah loola xiriiro hadii shil ama dhibaato kale ay qabsato Maraakiibta xamuulka sida ee  caalamiga ah.

Dhanka kale  Wakiilka Shirkada ” OBP، ayaa sheegay inay shirkadiisu aad ugu faraxsan tahay  qorshana shabakada Raadeerka ah oo lagu  hagaajiyo xaalada amni ee xeebaha ku teedsan Badaha Soomaaliya si looga hortago ayuu yiri” khatarka ku imaan karta Maraakiibta dowliga ah iyo kuwa goboleedka intaba.

Raadarkan ay dowlada Taiwan ku tala jirto inay ka sameyso xeebaha Soomaaliya wuxuu kaloo ka saacidayaa Ciidanka Badda Soomaaliya sidii ay macluumaad badan u heli lahayeen isla markana u gudan lahayeen shaqada ee loo idmay.

Wakiilka dowlada Taiwan ee Midowga Yurub u fadhiya ayaa  sheegay inay dowladiisu ay  ballan qaadayso dowr weyna ka qaadanayso arrimaha ammaanka iyo tageerada bani’aadanimo iyo gacan siinta ciidamada wadamada kala duwan ka socoda oo ka qeyb qaadanaya amaanka Xeebaha Soomaaliya si loo sugo habsamida howlaha maritaanka badaha Soomaaliya” ayuu yiri.”

Dhanka kaloo iyadoo qorshan ay wado dowlada Tiwan ayaa  waxaa hore midowga Yurub tababar u siyaan 100 sarkaal iyo askarba oo ka tirsan Ciidanka Badda Soomaaliya.

Xigasho: SONNA

Tarjume- Mukhtaar

Previous Post

Mareykanka oo cambaareeyay dilkii AUN wariye Sagal Salaad Cismaan

Next Post

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo soo dhaweeyay ansixinta sharciga xanaanada

Next Post
Kulan looga hadlayay Xanaanada Xoolaha oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo soo dhaweeyay ansixinta sharciga xanaanada

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In