Tuesday, October 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taiwan oo Raadaar ku rakibeysa Xeebaha Soomaaliya

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Taiwan oo Raadaar ku rakibeysa Xeebaha Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Taiwan  ayaa  waxay heshiis iibsi Radaar ilaaliya ammaanka xeebaha Soomaaliya la gashay shirkad Mareykan ah oo ku takhasustay ilaalinta   Xeebaha iyo Maraakiibta maraysa biyaha intaba.

Shabakada  Raadaarka ah waxay leedahay shan qeybood  oo isgaarsiin ah  iyo Saldhigyo  laga sameynayo xeebaha dekedaha  shan magaalo  oo ka tirsan Soomaaliya oo kala ah Muqdisho, Berbera, Kismaayo, Boosaaso iyo Hobyo waxayna shabakadan ka saacideysaa dekedahaasi  amniga Maraakiibta  iyo maamulka howlaha dekedehaasi.

Related posts

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026

Sidoo kale qorshan ayaa ah mid lagu saacidayo  howlgalka  midowga Yurub ee afduubka ka ilaaliyaha Maraakiibta xamuulka qaada ee maraya  biyaha Xeebaha badaha Soomaaliya.

Heshiiskaasi oo ay wada  saxiixeen shirkad midowga Yurub hoos tagta iyo wakiil ka socoday dowlada Taiwan  waxaa ku baxayaa lacag dhan 166 Milyan oo doollar,taasi oo ujeedkoodu yahay in lagu horumariyo   isgaarsiinta badaha Soomaaliya si ay Maraakiibta ugu sahasho inay nabad gelyo ku maraan  iyo si si deg deg ah loola xiriiro hadii shil ama dhibaato kale ay qabsato Maraakiibta xamuulka sida ee  caalamiga ah.

Dhanka kale  Wakiilka Shirkada ” OBP، ayaa sheegay inay shirkadiisu aad ugu faraxsan tahay  qorshana shabakada Raadeerka ah oo lagu  hagaajiyo xaalada amni ee xeebaha ku teedsan Badaha Soomaaliya si looga hortago ayuu yiri” khatarka ku imaan karta Maraakiibta dowliga ah iyo kuwa goboleedka intaba.

Raadarkan ay dowlada Taiwan ku tala jirto inay ka sameyso xeebaha Soomaaliya wuxuu kaloo ka saacidayaa Ciidanka Badda Soomaaliya sidii ay macluumaad badan u heli lahayeen isla markana u gudan lahayeen shaqada ee loo idmay.

Wakiilka dowlada Taiwan ee Midowga Yurub u fadhiya ayaa  sheegay inay dowladiisu ay  ballan qaadayso dowr weyna ka qaadanayso arrimaha ammaanka iyo tageerada bani’aadanimo iyo gacan siinta ciidamada wadamada kala duwan ka socoda oo ka qeyb qaadanaya amaanka Xeebaha Soomaaliya si loo sugo habsamida howlaha maritaanka badaha Soomaaliya” ayuu yiri.”

Dhanka kaloo iyadoo qorshan ay wado dowlada Tiwan ayaa  waxaa hore midowga Yurub tababar u siyaan 100 sarkaal iyo askarba oo ka tirsan Ciidanka Badda Soomaaliya.

Xigasho: SONNA

Tarjume- Mukhtaar

Previous Post

Mareykanka oo cambaareeyay dilkii AUN wariye Sagal Salaad Cismaan

Next Post

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo soo dhaweeyay ansixinta sharciga xanaanada

Next Post
Kulan looga hadlayay Xanaanada Xoolaha oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo soo dhaweeyay ansixinta sharciga xanaanada

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In