Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tajikistan oo dhigeeda Kyrgyzstan ku eedaysay Dagaalada dib ugu bilowday labada dal

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Tajikistan oo dhigeeda Kyrgyzstan ku eedaysay Dagaalada dib ugu bilowday labada dal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wakaaladda wararka ee Tass oo soo xiganaysa ciidamada ilaalada xudduudaha ee Tajikistan, ayaa sheegtay in ciidamada Kyrgyzstan, ay dib u bilaabeen duqeymaha ay la beegsadeen qeybo kamid ah xudduudaha Tajikistan, taasi oo gabi ahaanba meesha ka saareysa xabad joojintii horay loogu heshiiyay.

Dalalkan jaarka ah ee Tajikistan iyo  Kyrgyzstan, ayaa saacadahii la soo dhaafay ku dhawaaqay in ay dhaqan geliyeen heshiis Xabbad joojin ah oo u dhaxeeya labada dhinac, kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay isku horfadhiyay xuduudaha ay wadagaan, hase yeshee Af-hayeenno u hadlay labada Dowladood ayaa ku eedayay dhinaca kale inuu dib u bilaabay dagaalkan.

Related posts

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026

Tajikistan ayaa dhankeeda sheegtay in dagaalkan cusub uu kaga dhintay hal Askari, halka sedax kalana ay kaga dhaawacmeen.

Dhanka kale Wasaaradda Caafimaadka Kyrgyzstan, ayaa shaacisay in tirada dadka ku dhintay dagaalka dib ugu bilowday gobolka Batken ee dhaca xuduuda ay la leeyahiin Tajikistan ay gaartay 59 ruux.

Previous Post

Ciidamada Xoogga dalka oo ku dhawaad 40-ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab ku dilay Hiiraan

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay howlgal lagu dilay maleeshiyada ka tirsan Al-shabaab

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay howlgal lagu dilay maleeshiyada ka tirsan Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay howlgal lagu dilay maleeshiyada ka tirsan Al-shabaab

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In