Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska AMISOM oo sheegay in howlgalo ka dhan ah Alshabaab ay ka bilaabayaan Jubbada Dhexe+sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Taliska AMISOM oo sheegay in howlgalo ka dhan ah Alshabaab ay ka bilaabayaan Jubbada Dhexe+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deegaanada ku teedsan gobolka Jubadda Dhexe ayaa la qorshaynayaa in ay ka dhacaan howlgalo ballaaran oo ay si wada jir ah ay u fulin doonaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed,kuwa Midowga Afrika iyo ciidanka Jubbaland oo isgarabsanaya si maleeshiyaadka Alshabaab looga saaro gobolkaasi.

War ka soo baxay taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in uu howlgalkaasi uu qeyb ka yahay qorshaha la doonayo in Alshabaab looga xoreeyo guud ahaan dalka, Charles Tai Gituai oo ah taliye kuxigeenka howlgalada ciidamada AMISOM ayaa sheegay in qorshaha howglakan ay horey u meel mariyeen Midowga Afrika,taasi oo qeyb ka ah qorshaha AMISOM ay dalka kaga baxayso marka ay amniga ay ku wareejiyo ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

‘’Waxaanu la kulanay madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid aaadan,waxaana ka wada hadalnay sidii loo hirgelin lahaa qorshaha howlgaladaasi oo 30, bishii Novermber ee sanadka ay Addis-Ababa ku ansixiyeen madaxda Midowga Afrika,sidoo kale waxaana kala hadalnay qaabka ugu haboon oo ay isaga kaashan karaan howlgaladaasi ciidamada AMISOM kuwa Xooga Dalka iyo Jubbaland”. Ayuu yiri Charles Tai Gituai.

Saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in gobolka Jubbalad Dhexe la rumeysan yahay in saldhigyo ay ku dhuumaalaysastaan haraadiga Alshabaab ay kuyaalaan,halkaasi oo ay ka soo abaabulaan weerarada qorsheysan,balse ay ka hortagi doonaan.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa dhankiisa sheegay in maamulka Jubbaland ay diyaar u yihiin sidii maleeshiyaadka alshabaab looga cirib tiri lahaa deegaanada Jubbaland,iyagoo kaashanaya Militariga Soomaaliya iyo AmISOM.

Taliye kuxigeenka AMISOM Charles Tai Gituai  oo ay wehliyaan saraakiil ayaa tagay deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose,waxaana la filayaa in booqasho taasi lamid ah ay ku tagaan magaaloooyinka Beledweyne,Jowhar iyo Baydhabo,iyagoo qiimeyn ku sameynaya nayaan baahiyaha ciidanka.

Previous Post

W/Kuuriya oo ka jawaab celisay xayiraad uu Mareykanka ku soo rogay saraakiil Pyongyang ka tirsan

Next Post

“Daawo+Sawirro” Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo ka qeyb galay Caleema saarka Maamulka Deegaanka Bajeela”

Next Post
“Daawo+Sawirro” Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo ka qeyb galay Caleema saarka Maamulka Deegaanka Bajeela”

"Daawo+Sawirro" Mas'uuliyiin ka tirsan Galmudug oo ka qeyb galay Caleema saarka Maamulka Deegaanka Bajeela"

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In