Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska booliiska oo saanad ciidan kala wareegay dowladda Mareykanka

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Taliska booliiska oo saanad ciidan kala wareegay dowladda Mareykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya sareeyo gaas Maxamed Sheekh Xaamud, oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa la kulmay saraakiil ka socotay booliiska dalka Mareykanka oo dhowaanahan ku sugnaa dalka isla markaana u kuurgalayay xaaladda booliiska Soomaaliya.

Sareeyo gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed  ayaa sheegay in saraakiisha booliika Mareykanka uu kala wareegay saanad ciidan oo loogu talagalay booliiska dalka.

Related posts

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026

“Runtii waan ugu mahadceliyay sida ay noo soo xasuusteen oo mucaawadanii yareyd oo ay na soo gaarsiiyeen oo runtii anaga wax badan noo taraysa,” ayuu yiri taliyaha booliiska.

Taliyaha booliiska ayaa sidoo kale sheegay in booliiska Soomaaliyeed uu dhismaayo isla markaana ay ku dadaalayaan sidii xiriir ula yeelan lahaayeen wadamada daneeya arimaha Soomaaliya.

Dhanka kale, taliyaha ayaa tacsi u direy dadkii ku waxyeeloobay qaraxii maanta ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, isagoo sheegay in falalkan carqaladeynta ah aysan ka hor istaagi doonin horumarka iyo dowladnimada Soomaaliya.

“Horumarka ka badan dowladnimada ka balaaran ummadda meesha ay goosato ayaa ka badan, wax kasta oo dhaca anaga xagee u socnaa? Waxaa u socnaa  dhisidda dowladnimada Soomaaliya oo 25 sano ka hor burburtay,” ayuu markale yiri taliye Xaamud.

Taliye Xaamud ayaa saraakiisha tababarka ugu socdo dugsiga sare ee booliiska Soomaaliya ee janaraal Kaahiye, waxaa uu u sheegay in ay taliska booliiska Soomaaliya uu ku howlan yahay dib u dhiska iyo soo celinta heybaddii booliiska dalka.

Previous Post

Dowladda Imaaraadka Carabta oo Turkiga u gacan galisay Sargaal ku lug lahaa Afganbigii dhicisoobay

Next Post

Madaxda Sare ee Dalka iyo Wufuud heer Caalami ah oo ka qeyb qaadanaya Daawashada Ciyaarta finalka ee Koobka Gobolada

Next Post
Madaxda Sare ee Dalka iyo Wufuud heer Caalami ah oo ka qeyb qaadanaya Daawashada Ciyaarta finalka ee Koobka Gobolada

Madaxda Sare ee Dalka iyo Wufuud heer Caalami ah oo ka qeyb qaadanaya Daawashada Ciyaarta finalka ee Koobka Gobolada

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo dib u bilaabeyso bixinta adeegyada baasaboorka 

March 10, 2026
0

Safiirka JF Soomaaliya ee dalka Yemen Danjire Cabdixakiim Maxamed Axmed oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In