Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo: Taliska booliska oo faahfaahin ka bixiyay qaraxii caawa ka dhacay Liido

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Daawo: Taliska booliska oo faahfaahin ka bixiyay qaraxii caawa ka dhacay Liido
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay Liido uu ahaa dhagarqabe isa soo miidaamiyay oo ku qarxay afaafka hore waddada dheer ee Liido, ayna ku dhinteen saddex ruux oo ay ku jiraan ciidamada ammaanka iyo dad rayid ah oo goobta ku ganacsanayay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in qarax uu dhacay xilliga cishaha oo uu ka dambeeyay dhagarqabe isku soo rakibay Jaakadda qaraxa, kaasi oo sababay dhimashada saddex ruux iyo dhaawaca sideed kale.

Related posts

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

April 1, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

April 1, 2026

“Qaraxaas waxaa ku dhintay ilaa seddax qof, waxaana ku dhaawacmay ilaa sided kale oo ay ku jiraan ciidamada ammaanka, waxaan bulshada u xaqiijineynaa in goobtii ay hadda tahay mid ammaanka ah,” ayuu yiri Cabdifitaax Aadan.

Afhayeenka ayaa xusay in ciidamada ammaanka ay goobta la wareegeen oo aysan jirin qasaare intaa ka badan, haatana ay goobtu tahay mid caadi ah oo ay degantahay xaaladda, Nabadgelyada ay gacanta ku hayaan ciidamada amaanka.

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga 3aad iyo Isku aadka wareegga 3aad oo la shaaciyay

Next Post

Save the Children oo ka digtay xaaladda Abareed ee  ka jirta Geeska Afrika

Next Post
Save the Children oo ka digtay xaaladda Abareed ee  ka jirta Geeska Afrika

Save the Children oo ka digtay xaaladda Abareed ee  ka jirta Geeska Afrika

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

April 1, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug soo gaarsiiyey Kaararka codbixiyaasha hore loo diiwaangeliyey,...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta booqday Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

April 1, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 01 Abriil 2026: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay madasha isku-duwidda qaybta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

April 1, 2026
0

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In