Saturday, August 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka booliska oo sagootiyay cayaartooyda kooxda Heegan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo taliyeyaasha cusub ee Asluubta iyo Booliska kula dardaarmey dardargelinta hawlaha amniga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya iyo saraakiil kale ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa ay ka sagootiyeen kooxda kubadda cagta ee Heegan oo ka qeybgalaysa tartanka bariga iyo bartamaha Afrika oo dhowaan ka furmaya dalka Tanzania.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay cayaartooyda Kubadda cagta Heegan ee ciidanka booliiska, kuwaas oo cayaaraha Bariga iyo Bartahmaha Afrika uga soo qayb gali doono dalka Tanzania.

Related posts

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

August 20, 2026
Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

August 20, 2026

Taliyaha ayaa kula  dar-daarmay dhammaan cyaartooyda ka qayb galaya tartanka inay muujiyaan  aqlaaq wanaag, islamarkaana ay guul u soo hooyaan Qaranka .

Guddoomiyaha Naadiga Heegan ee Ciidanka Booliska Maxamed Ibraahim Cabdi Diyeeshe ayaa sheegay in bixitaanka cayaartooydaan uu gacan weyn ka qaatay Taliyaha ciidanka booliiska Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xamuud, isagoo uga mahad celiyay Dadaalkiisa uu ku bixiyay heerka maanta ay joogaan kooxda kubadda cagta Heegan.

Qaar ka mid ah cayaartooyda u amba baxay maanta Dalka Tansaniya ayaa iyaga oo ka hadlayay dareenkooda waxa ay dhammaan u mahadceliyeen taliska Booliiska, iyaga oo rajeeyay in guul wanaagsan ay u soo hooy doonaan Ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambayn taliyaha howgalinta ciidanka booliska Jeneraal Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in ay dhiirigelinayaan cayaartooyda, si niyad wanaag  ay uga qayb galan tartanka bariga io bartaha Afrika ee lagu qabanayo dalka Tanzania.

Kooxda kubadda cagta ee Heegan ayaa ah kooxda ku guuleysatay horyaalka heerka koowaad ee dalkeena, waxaana uu dalka Tanzania ka furamayaa 18-ka bishan.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtey, markii uu Addis Ababa shir caalami ah uga soo qeyb galay “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtey, markii uu Addis Ababa shir caalami ah uga soo qeyb galay “SAWIRRO”

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtey, markii uu Addis Ababa shir caalami ah uga soo qeyb galay “SAWIRRO”

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

August 20, 2026
0

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS ahna ergayga u qaabilsan Soomaaliya Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC), Mudane...

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

August 20, 2026
0

Maareeye Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiraxmaan Saciid ayaa ka qaybgalay Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Qaybqaadanaysa diyaarinta Warbixinta Waxqabadka Qaranka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Qaybqaadanaysa diyaarinta Warbixinta Waxqabadka Qaranka

August 20, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS Mudane Hamza Haadoow, ayaa maanta kormeer ku...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

August 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa khudbad uu uga hadlayay horumarka Warbaahinta ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In