Thursday, October 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska booliska oo shaaciyay in ciidanka ay ku guuleysteen bixinta miino dhulka lagu aasay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Taliska booliska oo shaaciyay in ciidanka ay ku guuleysteen bixinta miino dhulka lagu aasay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliye Ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta uga warbixisay howlgallada maalmahaan ka socdo caasimadda iyo waxyaabaha kusoo kordhay.

 

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Jeneraal Zakiya ayaa sheegtay in ciidanka Booliska uu dardar geliyey howlgalada ammaanka lagu adkeynayo, iyadoo xustay in ciidamada ay wadaan howlgallo guri walba oo ku yaalla caasimada lagu baarayo, si magaalada looga sifeeyo hubka sharci darrada ah.

Zakiya Xuseen Axmed ayaa xustay in hab cusub lagu soo kordhiyey baarista Gaadiidka, kaasi oo sahlaya in muddo kooban Gawaarida lagu Xaqiijiyo, waxaana ay tilmaamtay in ciidamada ammaanka lagu qalabeeyey agab u fududeynayo howlahooda shaqo.

Taliye ku-xigeenka Ciidammada Booliiska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in ciidanka Amniga ay miinooyin ka soo saareen deegaanka Weydoow ee duleedka Muqdisho.

“Intii ay ciidamada ku guda jireen howlgalkooda, waxa ay ku guuleysteen inay soo saaraan miinooyin ay argagixisada geliyeen deegaanka Weydoow ee duleedka Muqdisho, miinada waxaa la geliyay wadada dhinaceeda, taasi oo aan aaminsannahay in loogu dan lahaa sidii shacabka loogu dhibaateyn lahaa” ayay tiri Jeneraal Zakiya.

Taliye ku-xigeenka Ciidammada Booliiska Soomaaliya ayaa bulshada Soomaaliyeed ku wargelisay inay muujiyaan taxadar dheeraad ah, maadaama gaari nuuca Baraado loo yaqaan oo la tuhunsayahay in uu ku jiro magaalada, isla markaana cidda aragta ay ku soo wargeliyaan ciidamada booliska.

Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa hoosta ka xariiqday in ciidamada ay sii xoojin doonaan adkeynta ammaanka caasimadda, iyagoo ku shaqeyn doona xogaha ay ka heleen sirdoonka, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab, waxaana ay ku baaqday in la yareeyo isticmaalka gawaarida yar yar ee magaalada lagu dhex wato.

 

Previous Post

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka qayb-galay xafladda Qalinjebinta Ardayda Jaamacadda PSU “SAWIRRO”

Next Post

Eng.Yarisow “Waa Fal Waxashnimo ah in Gabar Soomaaliyeed loo diido in ay ku Umusho Isbitaal”

Next Post
Duqa Muqdisho” Waxaa bilowday howlgalo lagu sugayo amniga Caasimadda,”

Eng.Yarisow “Waa Fal Waxashnimo ah in Gabar Soomaaliyeed loo diido in ay ku Umusho Isbitaal”

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In