Sida uu sheegay Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Todoba ruux, ayaa ku dhimatay Qarax maleeshiyaadka argagixisada ay u adeegsadeen gaari laga soo buuxiyey walxa qarxa oo barqanimadii maanta ka dhacay Isgooyska Ceel-gaabta ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa warbaahinta u sheegay in Qaraxa ay ku dhawaacmeen dad gaaraya Sagaal ruux oo Rayid ah, kuwaasoo hadda xaaladooda Caafimaad lagula tacalaayo Isbitaalada Magaalada Muqdisho.
Maleeshida argagixisad ayaa cadeeystay Qaraxyada aan loo meel dayin ee lala beegsado shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.