Monday, June 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska ciidanka Asluubta oo qorsheynaya qalabeynta xabsiyada dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 24, 2016
in Wararka
0
Taliska ciidanka Asluubta oo qorsheynaya qalabeynta xabsiyada dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xabsiga Weyn ee Magaaladda Baydhabo oo hadda ay ku jiraan Maxaabiis fara badan oo ku Xukuman Dambiyo kala duwan, qaarkoodna garsogayaal ah ayaa Nolosha Xabsigaasi waxa ay tahay mid iska caadi, inkastoo ay jiraan daruufo hadane Maxaabiista Noloshooda ma aha mid liidata .

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa dadaal dheer ugu jira in is badal weyn lagu sameeyo Nolosha Maxaabiista Xabsiyada Dalka ku xiran iyadoo la Raacayo Oraahdii Aheyd.

Related posts

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Abooreyย 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025

“Xabsiyadeena ma Noqon doonaan kuwa lagu ciqaabo Maxaabiista ee waxa ay Noqon doonaan Xarumo lagu Dhaqan celiyo waxna lagu Barro Maxaabiista “ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac markii uu la Wareegay Hoggaanka Taliskaasi .

Hadaba Wajigii koowaad ee Qorshahaasi ayaa Noqday in isbadal weyn lagu sameeyey Xabsiga dhexe ee Xamar oo markii hore Maxaabiista ku xiran ay ku jireen Xaalad adag, waxaana markii ugu horeysay Xabsigaasi laga hirgaliyey in Maxaabiista ay ku seexdaan Sariiro Casri ah iyo in Qol walbo oo Xabsiga dhexe ka mid ah lagu xiray Qaboojiyaal iyo Talafashino ay kala socdaan Maxaabiista Ciyaaraha iyo Wararka Gudaha iyo Dibadaba waxaana sidoo kale Xabsiga dhexe ee Xamar gudahiisa laga hirgaliyey Warshad Farsamada Gacanta lagu barro Maxaabiista oo soo saareysa Agabka guryaha , Qalab xafiiseedka , Qoryaha Ciidanka Salaanta ay ku qaataan iyo Kuraasta Jaamacadaha Arintan oo noqotay mid ay u riyaaqaan BulshadaSoomaaliyeed.

Sidoo kale Xabsiga weyn ee Gobolka Baay ayaa waxaa dhawaan socdaal shaqo ku tegey taliye ku-xigeenka labaad ee ciidanka Asluubta Sareeyo Guuto Cilmi Waasuge Colow iyo saraakiil ciidan, waxaana uu halkaasi gaarsiiyay qalab ay ka mid ahaayeen Sariiro ,Qalab Xafiiseed, iyadoo Qorshaha xiga uu noqon doonno in Talafashino iyo Qaboojiyaal lagu xiro Qolalka uu ka kooban yahay Xabsiga Magaalada Baydhabo sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac .

Gen. Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in Qorshahoodu uu yahay dhamaan Xasbiyada Dalka oo idil in laga badalo qaabka ay u shaqeeyaan iyadoona Hiigsiga uu yahay in Xabsiyada dalka ay Noqdaan Jaamacado wax lagu Barro Maxaabiista oo markii uu kasoo baxo Maxbuuska uu yahay Aqoon yahan Dadka kale wax u faaโ€™iideyn kara .

Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee KM7 ayaa hadda waxaa ka socda oo Heer dhex dhexaad ah maraya Dhismo Xabsi ah oo loo dhisayo qaab casri ah waxaana uu yeelan doonnaa Xabsigan Cusub Qolal Casri ah ,Goobo wax barasho , Maxakamadaha Xarumo ay ku shaqeeyaan ,Goobo Maxaabiista ay ku ciyaaraan Ciyaaraha Kubada Noocyadeeda kala duwan IWM waxaana Qorshahan uu qeyb ka yahay Isbadalka Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac uu ugu jiro in lagu Hormariyo Xabsiyada Dalka .

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12

W/D: C/raxmaan Gacan

Previous Post

Ciidamada Badda Talayaaniga oo badbaadiyay kummanaan muhaajiriin ah

Next Post

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo shirar muhiim ah uga qeyb galay dalalka kenya iyo Uganda

Next Post
Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo shirar muhiim ah uga qeyb galay dalalka kenya iyo Uganda

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo shirar muhiim ah uga qeyb galay dalalka kenya iyo Uganda

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Abooreyย 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
0

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Maleeshiyaadka Khawaarijta   Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda XFS Yuusuf Maxamed Aadan oo loogu soo dhaweeyay garoonka diyaarada magaalada Algeris ee Caasimada...

Wararka ๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: โ€œ๐’๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š๐ ๐š๐ฅ ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ข๐ง ๐๐ข๐› ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐ฅ๐š๐š๐›๐ญ๐จ ๐๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐๐š๐๐›๐š๐งโ€

Wararka ๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: โ€œ๐’๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š๐ ๐š๐ฅ ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ข๐ง ๐๐ข๐› ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐ฅ๐š๐š๐›๐ญ๐จ ๐๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐๐š๐๐›๐š๐งโ€

June 23, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kaga qeyb-galay munaasabad casho...

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

June 22, 2025
0

RADIO MUQDHISHO: ย Guutada 9aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta ka sameeyay deegaanno...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In