Sunday, July 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska ciidanka Asluubta oo qorsheynaya qalabeynta xabsiyada dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Taliska ciidanka Asluubta oo qorsheynaya qalabeynta xabsiyada dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xabsiga Weyn ee Magaaladda Baydhabo oo hadda ay ku jiraan Maxaabiis fara badan oo ku Xukuman Dambiyo kala duwan, qaarkoodna garsogayaal ah ayaa Nolosha Xabsigaasi waxa ay tahay mid iska caadi, inkastoo ay jiraan daruufo hadane Maxaabiista Noloshooda ma aha mid liidata .

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa dadaal dheer ugu jira in is badal weyn lagu sameeyo Nolosha Maxaabiista Xabsiyada Dalka ku xiran iyadoo la Raacayo Oraahdii Aheyd.

Related posts

Ciidamada NISA oo fuliyay howlgal lagu beegsaday labo dhagarqabe

Ciidamada NISA oo hawlgal kusoo qabtay xubno ka tirsan Khawaarijta

July 12, 2026
Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

July 11, 2026

“Xabsiyadeena ma Noqon doonaan kuwa lagu ciqaabo Maxaabiista ee waxa ay Noqon doonaan Xarumo lagu Dhaqan celiyo waxna lagu Barro Maxaabiista “ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac markii uu la Wareegay Hoggaanka Taliskaasi .

Hadaba Wajigii koowaad ee Qorshahaasi ayaa Noqday in isbadal weyn lagu sameeyey Xabsiga dhexe ee Xamar oo markii hore Maxaabiista ku xiran ay ku jireen Xaalad adag, waxaana markii ugu horeysay Xabsigaasi laga hirgaliyey in Maxaabiista ay ku seexdaan Sariiro Casri ah iyo in Qol walbo oo Xabsiga dhexe ka mid ah lagu xiray Qaboojiyaal iyo Talafashino ay kala socdaan Maxaabiista Ciyaaraha iyo Wararka Gudaha iyo Dibadaba waxaana sidoo kale Xabsiga dhexe ee Xamar gudahiisa laga hirgaliyey Warshad Farsamada Gacanta lagu barro Maxaabiista oo soo saareysa Agabka guryaha , Qalab xafiiseedka , Qoryaha Ciidanka Salaanta ay ku qaataan iyo Kuraasta Jaamacadaha Arintan oo noqotay mid ay u riyaaqaan BulshadaSoomaaliyeed.

Sidoo kale Xabsiga weyn ee Gobolka Baay ayaa waxaa dhawaan socdaal shaqo ku tegey taliye ku-xigeenka labaad ee ciidanka Asluubta Sareeyo Guuto Cilmi Waasuge Colow iyo saraakiil ciidan, waxaana uu halkaasi gaarsiiyay qalab ay ka mid ahaayeen Sariiro ,Qalab Xafiiseed, iyadoo Qorshaha xiga uu noqon doonno in Talafashino iyo Qaboojiyaal lagu xiro Qolalka uu ka kooban yahay Xabsiga Magaalada Baydhabo sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac .

Gen. Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in Qorshahoodu uu yahay dhamaan Xasbiyada Dalka oo idil in laga badalo qaabka ay u shaqeeyaan iyadoona Hiigsiga uu yahay in Xabsiyada dalka ay Noqdaan Jaamacado wax lagu Barro Maxaabiista oo markii uu kasoo baxo Maxbuuska uu yahay Aqoon yahan Dadka kale wax u faa’iideyn kara .

Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee KM7 ayaa hadda waxaa ka socda oo Heer dhex dhexaad ah maraya Dhismo Xabsi ah oo loo dhisayo qaab casri ah waxaana uu yeelan doonnaa Xabsigan Cusub Qolal Casri ah ,Goobo wax barasho , Maxakamadaha Xarumo ay ku shaqeeyaan ,Goobo Maxaabiista ay ku ciyaaraan Ciyaaraha Kubada Noocyadeeda kala duwan IWM waxaana Qorshahan uu qeyb ka yahay Isbadalka Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac uu ugu jiro in lagu Hormariyo Xabsiyada Dalka .

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12

W/D: C/raxmaan Gacan

Previous Post

Ciidamada Badda Talayaaniga oo badbaadiyay kummanaan muhaajiriin ah

Next Post

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo shirar muhiim ah uga qeyb galay dalalka kenya iyo Uganda

Next Post
Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo shirar muhiim ah uga qeyb galay dalalka kenya iyo Uganda

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo shirar muhiim ah uga qeyb galay dalalka kenya iyo Uganda

Ciidamada NISA oo fuliyay howlgal lagu beegsaday labo dhagarqabe

Ciidamada NISA oo hawlgal kusoo qabtay xubno ka tirsan Khawaarijta

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa xalay xaafadda Galmudug ee degmada Garasbaaley ka fuliyey howlgal...

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

July 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali(Dhaay), ayaa khadka taleefanka kula hadlay...

Foreign Ministers of Somalia and Egypt Hold Telephone Conversation

Foreign Ministers of Somalia and Egypt Hold Telephone Conversation

July 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E.Abdisalam Ali, held a telephone conversation...

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

July 11, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa soo xiray tababar laba toddobaad socday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In