Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Oo Ka Warbixiyay Waxqabadka Taliska

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Oo Ka Warbixiyay Waxqabadka Taliska
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen Xuseen Xasan Cismaan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay waxqabadka Ciidanka Asluubta oo uu sheegay in ciidamada ay howshoodu ay aad u socoto islamarkaana ay ku dadaalaan horumrinta taliska iyo xabsiyadii ay lahaayeen oo ay ku howlan yihiin in ay soo celiyaan.

Wareysiga uu siiyay warbaahinta Qaranka Taliyaha Ciidanka Asluubta ayuu kaga hadlay xaaladda maxaabiista ee ku jira xabsiga dhexe oo uu tilmaamay in xaaladoodu ay tahay mid aad u wanaagsan islamarkaana ay ka fakaraan noloshooda iyo caafimaadkooda ay u diyaariyeen howl wadeenno caafimaad oo la tacaalaya maxaabiista xanuunsan, waxaana uu xusay in ay u qabtaan xiliyada qaar cayaar kubadda cagta ah oo ay cayaarayaan maxaabiista si jirka iyo maskaxda ay ugu dhisaan.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen Xuseen Xasan Cismaan ayaa ka hadlay maalgashiga dalka ay ku lahaayeen Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay ku howlanyihiin sidii dib loogu soo celin lahaa kuwaa oo uu sheegay in ay ka mid yihiin in beerihii iyo warshadihii ay lahaayeen.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxa uu digniin u diray dadka dagan xaruumihi ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo uu sheegay in loo baahanyahay in si deg deg ah ay isaga baxaan, isagoo sheegay in marnaba aysan u dulqaadan doonin taaga ka mid ah dhulka Asluubta in ay heystaan dad kale.

“Waxaan u taagannahay dhulka Ciidanka Asluubta qofkii rabaa inuu qaato in aan difaacno, ma oggolin in la boobo dhulka ciidanka asluubtu leeyihiin, waana u taagannahay arrintaas” ayuu yiri Generaal Xuseen Xasan Cusmaan.

Previous Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Baarlamaanka Dalka Kenya Oo Meel Mariyay Safiirka Dowladda Kenya Ay U Soo Magacowday Soomaaliya

Next Post
Baarlamaanka Dalka Kenya Oo Meel Mariyay Safiirka Dowladda Kenya Ay U Soo Magacowday Soomaaliya

Baarlamaanka Dalka Kenya Oo Meel Mariyay Safiirka Dowladda Kenya Ay U Soo Magacowday Soomaaliya

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In