Saturday, November 29, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska Ciidanka Boliiska Oo Digniin U Diray Dadka Ku Ganacsada Hareeraha Wadooyinka Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Taliska Ciidanka Boliiska Oo Digniin U Diray Dadka Ku Ganacsada Hareeraha Wadooyinka Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Qaasim Axmed Rooble oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa ugu baaqay ganacsatada ku ganacsada hareeraha wadooyinka in ay tixgaliyaan islamarkaana ay u dhaga nuglaadaan awaamiirta ciidamada xiliyada ay sugayaan ammaanka.

Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in ay wada shaqeeyaan ciidamada iyo dadka Shacabka ah si loo gaaro horumar amni, waxaana uu tilmaamay maalmaha soo socda in magaalada Muqdisho ay ka sameyn doonaan howlgalo ammaanka lagu xaqiijinayo.

Related posts

Wasiirka Tamarta XFS “ waxaa noo qorsheysan mashruuca koronto galinta ee goobaha caafimaadka iyo kuwo waxbarashada”

Wasiirka Tamarta XFS “ waxaa noo qorsheysan mashruuca koronto galinta ee goobaha caafimaadka iyo kuwo waxbarashada”

November 28, 2025
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

November 28, 2025

Gaashaanle Sare Qaasim Axmed Rooble oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay wadooyinka ciidamada ay ka howl gali doonaan in aan lagu ganacsan Karin hareeraha wadooyinka, waxaana uu ka raali galiyay hakadkaasi ganacsigoodu ku yimid, waxaa ganacsatada in ay u dulqaataan howshaasi ciidamada ammaanka ay sameyn doonaan taasi oo muhiim u ah danta umadda Soomaaliyeed.

Ciidamada ammaanka ayaa lagu arkayaa isgoysyada iyo wadooyinka magaalada Muqdisho kuwaa oo sugaya ammaanka magaalada Muqdisho oo saacadaha soo socota uu ku soo wajahan yahay madaweynaha dalka Turkiga, iyadoo wadooyinka magaalada Muqdisho lagu xardhay calanka Soomaaliya iyo kan Turkiga taasi oo lagu muujinayo sida dadka Soomaaliyeed ay ula dhacsan yihiin caawimaada dadka Soomaaliyeed ay siineyso Dowladda Turkiga.

Previous Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Turkiga oo Booqasho ku Imaanaya Soomaaliya

Next Post
Madaxweynaha Turkiga oo Booqasho ku Imaanaya Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga oo Booqasho ku Imaanaya Soomaaliya

Wasiirka Tamarta XFS “ waxaa noo qorsheysan mashruuca koronto galinta ee goobaha caafimaadka iyo kuwo waxbarashada”

Wasiirka Tamarta XFS “ waxaa noo qorsheysan mashruuca koronto galinta ee goobaha caafimaadka iyo kuwo waxbarashada”

November 28, 2025
0

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in 600...

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

November 28, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo xiray shirweynaha seddaxaad ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

November 27, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo xiray shirweynaha seddaxaad ee...

Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

November 27, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In