Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirada Taliska ciidanka booliiska oo maanta lagu wareejiyay gaadiid ciidan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Daawo Sawirada Taliska ciidanka booliiska oo maanta lagu wareejiyay gaadiid ciidan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliska Ciidanka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu wareejiyay 56 gaadiid oo ay isticmaalaan ciidamada, kaasi oo ay ugu deeqday dowladda Jabaan..

Munaasabad kooban oo gaadiidka lagu guddoonsiinayay taliska ciidanka booliska ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka amniga gudaha, taliyaha ciidanka booliska, saraakiil ka tirsan cidamada booliska, kuwa AMISOM iyo saraakiil kale oo ka socotay Qaramada Midoobay.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Taliyaha ciidanka booliska Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ka hadlay munaasabadda ayaa ugu horeyn dowladda Jabaan uga mahadceliyay sida ay u garab taaganyihiin ciidanka booliska.

“Waxaan dowladda Jaban uga mahadcelineyaa sida ay u caawiyaan ciidanka booliska, marar badan ayay ciinka ugu deeqeen gaadiid, waxaana ka fileynaa in goordhaw ay nagu soo wareejin doonaan dhar ciidan” ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska.

Tomohiro TOMMATSU oo ah u qeybsanaha dhanka gaashaandhigga safaaradda Jabaan ee Soomaaliya ayaa sheegay in gaadiidkan ay ugu talagaleen inay ku caawiyaan ciidanka booliska Soomaaliyeed.

“Gaadiidkan waxaan ugu talagalnay in ciidanka booliska ay ugu adeegaan bulshada, runtii aad ayaan ugu faraxsanahay in maanta aan ciidamada ku wareejino gaadiid”

Wasiirka amniga gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in gaadiidka lagu wareejiyay taliska ciidanka booliska uu qeyb weyn ka qaadan karo howlaha ay u hayaan bulshada ee ah ka hortagga kuwa maleegaya amni darrada.

“Runtii dowladda Jaban waxa ay ka midtahay dowladaha caawiya Soomaaliya, runtii aad baan u soo dhaweyneynaa sida ay u garab taaganyihiin ciidanka booliska, taliska ciidanka waxaan ku bogaadinayaa inay sii labo jibaaraan adeegyada ay bulshada u hayaan” ayuu yiri Wasiirka Amniga gudaha.

Dowladda Jaban ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay ciidanka booliska ku wareejiyeen gaadiid, taasi oo qeyb weyn ka qaadan karto howlaha ay ciidamada ku sugayaan amniga.
11998425_10207628527140467_1331591091_n

11992057_10207628192812109_729433214_nBH0A3400 BH0A3404 BH0A3405 BH0A3407 BH0A3414 BH0A3418 BH0A3423 BH0A3426 BH0A3428 BH0A3430 BH0A3434 BH0A3436 BH0A3448 BH0A3451 BH0A3454 BH0A3464 BH0A3471 BH0A3473 BH0A3475 BH0A3480 BH0A3482 BH0A3483 BH0A3485 BH0A3486 BH0A3487 BH0A3489

Previous Post

Inta badan mudanayaashii mowshinka ka keenay madaxweynaha oo qaatay wadahadal “Sawirro”

Next Post

Dowladda Federaalka oo dalbatay in la joojiyo dagaalka Cabuudwaaq

Next Post
Dowladda Federaalka oo dalbatay in la joojiyo dagaalka Cabuudwaaq

Dowladda Federaalka oo dalbatay in la joojiyo dagaalka Cabuudwaaq

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In