Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska ciidanka Booliska iyo maamulka G/Banaadir oo kala saxiixday heshiis la xiriira daryeelka caruurta “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Taliska ciidanka Booliska iyo maamulka G/Banaadir oo kala saxiixday heshiis la xiriira daryeelka caruurta “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

R/wasaare ku xigeenka dalka, oo ay wehliyaan wasiirro ka tirsan xukuumadda ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu saxiixayay daryeelka caruurta SDoomaaliyeed ee agoonta ah iyo kuwa dib jirka ah.

Kulanka oo lagu qabtay xarunta wasaaradda cadaaladda ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa heshiis ku kala saxiixday taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed iyo maamulka gobolka Banaadir kaasoo ku saabsan daryeelka iyo xanaanada caruurta agoonta ah eek u tabaaleeysan magaalada Muqdisho.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa R/wasaarare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte, Wasiirka amniga gudaha, wasiirka haweenka iyo xuquul insaanka Sahro Maxamed Cali Smaatar, ku simaha wasiirka Cadaalada Fahmo Axmed Nuur iyo mudanyaal ka tirsa baarlamanka.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho  Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”ayaa sheegay in maamulkiisu gacan weyn ka geeysan doono daryeelka caruurta ku tabaaleeysan Muqdisho isagoo intaa ku daray iney ciidanka Asluubta kala shaqeyndoonaan xanaaneeynta caruurtaasi.

Taliyaha  Ciidanka ASluubta Somaaliyeed  sareeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa  faahfahin ka baxiyay dadaalka uu ugu jiro dib usoo nooleeynta howlihii ciidanka asluubta Soomaaliyeed gaar ahaan daryeelka caruurta agoonta ah iyo dhaqan celinta kuwa dibjirka ah, isagoo hoosta ka xariiqay iney dib u furayaan xarumihii lagu xanaaneeyn jiray caruurta.

R/wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte Qaalib  ayaa  ka hadlay ahmiyada ay leedahay daryeelka caruurta ogaanta ah,  isgoo ugu bogaadiyay taliska ciidanka asluubta iyo  maamulka gobalka banaadir howsha ay isaga kaashanayaan daryeelka caruurta Soomaaliyeed.

Heshiiskan dhexmaray maamulka gobolka Banaadir iyo taliska ciidanka Asluubta ahaa qeexaya in labadaasi dhinac iska kaashadaan daryeelka caruurta agoonta ah ee dhibaateysan gudaha dalka.

carte unnamed unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3)

Previous Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Bandhigyadii Tayo Dhawrka ee Wasaaradda Ganacsiga oo dib u dhac ku yimid

Next Post

Bandhigyadii Tayo Dhawrka ee Wasaaradda Ganacsiga oo dib u dhac ku yimid

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In