Taliyaha Ciidanka ilaaladda deegaanka Xamar Gaashalle Dhaxe Axmed Xasan Mahdi oo warbaahinta Qaranka kula hadlay Taliska ciiidanka deegaanka Xamar ee degmada Shangaani ee gobalka Banaadir ayaa ka warbaxiyay howlaha Ciidanka ay qabteen muddadii Lixda bilood ee aynu soo dhaafnay ,Waxayna ku guulaysteen muddadaasi Aruurinta cashuuraha gobalka Banaadir ,bixinta shatiyadda Gawaariadda iyo goobanaha ganacsiga oo si wanaagsan haatan uga shaqeeyo 17ka degmo ee uu ka koobanyahay gobalka Banaadir.
Axmed Xasan Mahdi taliyaha Ciidanka ilaaaladda deegaanka Xamar ayaa sidoo kale sheegay in ay ku guulaysteen dhismaha qeybaha Kala duwan ee ciidanka ilaaladda Xamar oo haatan maraya dhismahooda meel wanaagsan.
Taliye Axmed ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay isagoo sidoo kale sheegay in ciidanka si wanaagsan ula dhaqmaan dadka Soomaaliyeed xiliga ay ku gudi jiraan gudashada howshooda.
‘Waa in aad soo dhaweysaan dadka isla markaana si wanaagsan ula hadashaan, qofka waa loo digaa hadii uu qalad sameeyo, waa in aadan u raadin dambi uusan qofka gelin” waxaa sidaasi yiri Taliyaha ciidanka ilaalada deegaanka Xamar.