Tuesday, March 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska ciidanka xoogga dalka oo ka hortegay qorshe ay maleegayeen Al-Shabaab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka sameeyay Gobolka Shabeelaha dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada xoogga dalka ayaa ka hortegay qorshe ay maleegayeen argagixisada Al-Shabaab, iyadoo loo geystay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Taliyaha Guutada 11aad qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dallka Gaashaanle Sare Maxamed Badal Xasan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidamada ay ka hortegeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay qeybo ka mid ah degmada Jamaame.

Related posts

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026

Howlgal qorsheysan oo ay ciidamada ka fuliyeen deegaannada Araare, Muuse Xaaji iyo kaban oo qiyaastii Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose u jirta 5 km lagu dilay tiro ka mid ah Al-Shabaab, halka kuwa kalena lagu dhaawacay.

Gaashaanle Sare Maxamed Badal Xasan ayaa xusay in ujeedka howlgalka uu ahaa markii ay ka warhaleen dhaq dhaqaaq ay sameynayeen Al-Shabaab oo ahaa biyaha webiga oo ay ku soo fureen xaafado kala duwan, isagoo intaa ku daray inay ka hortegeen maleeshiyaadkii halkaasi ku dhuumaaleysanayay.

“Howlgalka qorsheysan ee ay ciidanka fuliyeen waxa uu noqday mid mira dhalay oo ay ciidanka ka fuliyeen meel qiyaastii 5 km u jirta Degmada Jamaame, Qorshaheena soo socda ayaa ah inaan fariisin ka dhigano Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe” ayuu yiri Taliyaha Guutada 11aad qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dallka.

 

Previous Post

Soomaaliya oo ku biirtay Golaha fulinta Wasiirada Dalxiiska ee dalalka Jaamacadda Carabta “SAWIRRO”

Next Post

Guddiga dib u-eegista dastuurka oo la kulmay Guddiga joogtada ee Baarlamaanka Hirshabeelle

Next Post
Wasiirka Dastuurka oo furay tababar la xiriira dib u eegista Dastuurka+Sawirro

Guddiga dib u-eegista dastuurka oo la kulmay Guddiga joogtada ee Baarlamaanka Hirshabeelle

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

March 24, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa si rasmi ah u magacawday maamulka...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed Xassan Cabdulle ayaa furay tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In