Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska CXD oo Faahfaahiyay Howlgalka Kummaandooska Ee Shabeellaha Hoose”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Taliska CXD oo Faahfaahiyay Howlgalka Kummaandooska Ee Shabeellaha Hoose”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo la soo gaarsiiyay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA, ayaa lagu faahfaahiyay howlgallo Ciidamada Sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay ka fuliyeen deegaano hoos yimaada gobalka Shabeellaha Hoose.

Warka taliska ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Isbuucaan ay Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab ay weerareen Saldhigyo ay Maleeshiyada Al-shabaab ku lahaayeen Degmoyin iyo Deegaanno ay ka midyihiin, Awdeegle, Toorotooroow ,Mareereey, Bariirre,Sabiib iyo Caanaale oo dhammaantoodba hoostaga gobalka Shabeellaha Hoose.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Howlgalladaasi ayaa intii ay socdeen lagu dilay 14 kamid ah maleeshiyaadka Al-shabaab iyadoo lagu soo furtay maxaabiis ay si sharci darro ah u xirxirteen, Sahnad Ciidan, islamarkaana la burburiyay saldhigyo iyo difaacyo ay lahaayd Kooxdu.

Sidoo kale Warsaxaafadeedka ka soo baxay Taliska CIidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu yiri.”Ciidanka X.D.S wuxuu sii xoojinayaa howlgalka lagu bartilmaameedsanayo Cadawga dalka Soomaaliya, ma jirto maanta meel ay nabad iyo Kalsooni ku joogaan Al-shabaab, mar walbana waxaan ku qaadeynaa Weeraro qorsheysan.

Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale ka hadlay howlgalka ka socda gobalka Shabeellaha Dhexe, dhawaana ciidamadu ay si buuxda u hanan doonaan gacan ku heynta deegaanada fara ku tiriska ah ee wali ay ku dhuumaaleeysanayaan Al-shabaab shacabkuna ay maqli doonaan war ay ku farxaan.

Ugu Dambeyntii warka ka soo baxay taliska Xoogga Dalka ayaa lagu yiri “Waxaan Qorsheysanay in sanadkaan aan ku soo afjarno baabi’inta Cadawga Umadda Soomaaliyeed, haddana maalo kala duwan oo dalka ah uu ka socdo howlgalkaasi.”

Ammaanduulaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Cali Baashi Maxamed Cumar ayaa ku saxiixan Warkan ka soo baxay Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

IMG_2443

IMG_2441

IMG_2435

IMG_2473

IMG_2451

Previous Post

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo shir guddoomiyay shirka dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Baarlamaanka oo maanta ka doodi doona sharciga doorashada dadban

Next Post
Kulanka Baarlamaanka Oo Goor Dhow Soo Gabagaboobay Iyo Beri Oo Mar Kale Loo Balamay Su’aallo Weydiin

Baarlamaanka oo maanta ka doodi doona sharciga doorashada dadban

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In