Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska Hay’adda NISA ee Koonfur Galbeed oo soo bandhigay horjooge isa soo dhiibay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Taliska Hay’adda NISA ee Koonfur Galbeed oo soo bandhigay horjooge isa soo dhiibay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed oo soo bandhigay mid ka mid ah Horjoogeyaasha Kooxda Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Ciise Cumar Deerow Isxaaq, kaasi oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Weeraradda, iasagoo  muddo 8-sano uu ka tirsanaa, wuxuuna Horjooge u ahaa koox Jabhad ah oo tira ahaan uu ku sheegay 400-maleeshiyo oo dhibaateynayey Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaana horjoogahaan uu sheegay inuu qeyb ka ahaa dagaalo dhowr ah oo ka dhacey Gobolada Jubbooyinka iyo Baay, Waxaana sidoo kale Hay’adda Nabadsugidda ay soo bandhigtey hub uu kala soo goostey Koxdii Maleeshiyaadka ahaa ee uu ka tirsanaa oo ay kamid yihiin 2-qori oo AK47 & 1-beekam ah.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Ciise Cumar Deerow oo ah Horjoogaha isku soo dhiibey Ciidamada Nabdsugidda iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa hoosta ka xariiqey inuu fahmey dhibaatada ay shacabka u maleegayaan Kooxda Nabad-diidka ah, wuxuuna sidoo kale sheegay in dhallinyarada la marin-habaabiyey oo la qaldey loona sheegey fikir xagjirnimo ah ay wada fahmeen oo ay go’aansadeen inay dib ula mid noqdaan Shacabkooda.

Horjooge Ciise Cumar ayaa sheegey in Maleeshiyaadka lagu akhriyo fikir ah in Gobolada Koonfur Galbded keliya ay go’doomiyaan oo Bulshada ay ku dhibaateeyaan, taasina uu ku tilmaamay inay aheyd fikir xagjir ah oo qaldan, wuxuuna ugu baaqey inay dib ula midoobaan shacabkooda oo fikirka qaldan ay kasoo baxaan.

Previous Post

Madaxweynaha oo u hambalyeeyay Guddoomiye Ku-xigeennada Cusub BFS

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo u hambalyeeyay Xildh. Sacdiyo oo loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad BFS

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo u hambalyeeyay Xildh. Sacdiyo oo loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad BFS

Ra'iisul Wasaare Rooble oo u hambalyeeyay Xildh. Sacdiyo oo loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad BFS

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In