Wednesday, December 31, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska xoogga oo soo bandhigay rag lala xiriiriyay UGUS {SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Taliska xoogga oo soo bandhigay rag lala xiriiriyay UGUS {SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

11-ka nin ee lagu soo bandhigay xarunta Taliska ciidanka 12-ka April ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ah kuwa ay ciidamada xoogga ka soo qabteen inta u dhexeysa Janaale iyo Degmada Qoryooleey iyaga iyo hubkooga, kuwaasi oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen gaadiid shacab oo lagu gubay deegaannadaasi iyo dad kale oo rayid ah oo iyana lagu dilay Gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha ururka 30aad guutada 5aad ee qeybta 12-ka April ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Dhexe Axmed Absuge Cabdulle ayaa sheegay in ragaasi lagu soo qbatya howlgallo ay ciidamada ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose oo watay 7 qori,  wxaaana uu intaa ku daray in ay hayaan ehelada dadkii ay dileen ragga maanta saxaafadda loo soo bandhigay

Related posts

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

December 31, 2025
Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israa’11l oo lagu qabtay magaalada Jowhar.

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israa’11l oo lagu qabtay magaalada Jowhar.

December 31, 2025

“Howlgallo maalmahaan oo dhan socday ayaa waxaan ku soo qabanay maxaabiista aad u jeedaan, oo hubeysan, waa ururka Al-Shabaab, waa nimankii baabuurta ku gubi jiray, qoryooleey iyo janaale inta ka dhexleh, dadka ku dhici jiray, soo booddo ahaan meesha u geli jiray, nimankan waa niman caadeystay, inay Ummadda dhibaateeyaan, waxaa lagu gubay 5 baabuur wadadaas, 18 qofna waa lagu dilay” ayuu yiri G/dhexe  Axmed Absuge Cabdulle.

Madaxa Waaxda Siyaasadda ee Qeybta 12-ka April ee ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle sare Yuusuf Cali Cageey ayaa hoosta ka xariiqay inay ka war hayeen kiiska maleeshiyaadka la soo bandhigay, ayna u gudbinayaan Maxkamadda si loo marsiiyo calaadda, isagoo ciidanka xoogga dalka ku ammaanay doorka ay ka qaateen soo qabashada raggaasi lala xiriirinayo inay ka tirsanyihiin UGUS.

“Sida kiiskan nagu soo gaarayo waxa ay ahayd, in niman kaba dilaaysan, ka qatarsan Al-Shabaab inay jiraan oo dadka hilbahooda goo gooyo, oo weliba suubsaday, xirfado kale oo gaar ah, waa lagu daba jiray, maantana waad u jeediin hubkooda iyo wajigooda, marka waxaan u gudbineynaa Maxkamadda iyo cidda ay quseyso, xoogga dalka cid maxkamad ma saaro ee wuu soo qabtaa, wuuna bur buriyaa, libinteena waan ku guuleysanay, waxaan sugeynaa libinta Maxkamadda” ayuu yiri G/sare Cageey.

Ciidamada xoogga dalka guuto shanaad ee ka howlgalla gobolka Shabeelaha Hoose ayaa u taagan inay sugaan amniga bulshada gobolkaasi ku nool, isla markaana ay ka hortagaan cidkasta oo wax u dimaysa amniga.

IMG_9476 IMG_9477 IMG_9494 IMG_9495 IMG_9496 IMG_9497 IMG_9498 IMG_9499 IMG_9507 IMG_9510 IMG_9520 IMG_9522     IMG_9527 IMG_9528 IMG_9529 IMG_9530 IMG_9531 IMG_9532

SAWIR QAADE QADAR CALI NUUR 

 

Previous Post

Xukuumada oo ku howlan dajinta sharci u gaar ah qaxootiga Yemen ka imaanaya

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

December 31, 2025
0

Boqolaal qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ayaa maanta isugu soo...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israa’11l oo lagu qabtay magaalada Jowhar.

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israa’11l oo lagu qabtay magaalada Jowhar.

December 31, 2025
0

Boqolaal shacab ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, iyaga oo dhigayay bannaanbax...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jiray laamiga Nasiib buundo ee Degmad Shibis.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jiray laamiga Nasiib buundo ee Degmad Shibis.

December 31, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr.Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray laamiga cusub...

Bannaanbax looga soo horjeedo damaca YH-da Israel oo ka dhacay degmada Afgooye.

Bannaanbax looga soo horjeedo damaca YH-da Israel oo ka dhacay degmada Afgooye.

December 31, 2025
0

Bannaanbax weyn oo si nabadeed u dhacay ayaa maanta ka qabsoomay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo looga soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In