Thursday, September 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Booliiska iyo wasiirka Maaliyadda oo ka qeyb-galay bandhigga toddobaadlaha ee Booliiska+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Booliiska iyo wasiirka Maaliyadda oo ka qeyb-galay bandhigga toddobaadlaha ee Booliiska+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
Taliyaha ciidammada Booliiska Soomaaliyeed iyo wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, ayaa maanta ka qeyb-galay bandhigga toddobaadlaha ee ciidammada Booliska oo ka dhacay Akadeemiyadda Tababarrada Booliiska Soomaaliyeed.
Bandhiggaan ay ciidammada Booliisku sameeyaan toddobaad walba ujeedadiisu waa in dhiiragelin, tallo bixin iyo isla-xisaabtanka ciidanka uu sameeyo hoggaanka sare ee ciidanka, waxaana lagu qabtaa xarunta tababarrada Booliiska ee Jeneraal Kaahiye, iyadoo ciidammo dhallinyaro soo dhammeysatay dugsiyada sare oo qaatay tababarro ay soo bandhiggeen Dhoola-tus qurux badan, sida Gaadda ka cayaar iyo sawir muujinaya qaab dhismeedka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyadoo kooxda Fanaanniinta ee Heeganna ay soo bandhigeen Heeso waxqabadka Booliiska ka hadlaya.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim Fargeeti oo uu wehliyey xidhibaan Muuse Suudi (Yalaxoow) ayaana ka mid ahaa daawadeyaasha bandhigga, waxaa sidoo kale joogey bandhigga dhammaan taliyeyaasha hoggaannada iyo qeybaha Booliiska Soomaaliyeed.
Taliye ku xigeenka  Akadeemiyada Booliiska Soomaaliyeed G/sare Muqtaar Gaaboow Xasan, ayaa sheegay in ciidammada Akadeemiyada ku sugan ay yihiin dhallinyaro waxbaratay, isla markaana diyaar u ah in ay u tababartaan sidii ay ugu adeeggi lahaayeen bulshadooda, dugsigaanna uu yahay midka kaliyah ee soo saara ciidan u carbiyeysan gudashada waajibaadka Qaran iyo sharuucda dalka.
Xildhibaan Muuse Suudi oo ka mid ah Aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya, ayaa ku ammaanay hoggaanka ciidanka Booliiska isbaddelka weyn ee uu ku sameeyey dhismaha iyo tayada ciidanka, waxa uu ku yaboohay hal neef Geel ah oo lagu dhiiragelinayo ciidanka ku sugan Akadeemiyada Booliiska.
“ciidammada Booliska Sawirka aan ka heystay wax ka qurux badan ayaan halkaan ku arkay, waxaan ku ilaaway xitaa culeyska masuuliaydda i saaran, sidaa daraadeed waxaan ku yaboohayaa Laba Neef oo Geel ah iyo lacag loogu talo-galay Kooxda Fanka ee Heegan, sidoo kale miisaaniyadda sannadka soo socda ee 2017-ka waxaa lagu dari doonaa ciidammada cusub ee Booliiska ku soo biiray, sanandkaan waxaan bilownay in mushaaraaxdka lagu bixiyo darajada ciidanka uu ku kala sarreeyo iyo Nidaam Electonic casri ah in lacagahooda lagu siiyo” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya
Taliyaha ciidammada Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo bandhiggaan toddobaad walba ka qeyb-gala, ayaa sheegay in ciidammada Booliiska looga baahan yahay in ay tusaan bulshadooda sida ay ugu diyaarsan yihiin u adeegiddooda, waxa uu sheegay in muhiimadda koobaad ay tahay anshaxa ciidanka iyo sarreysiinta sharciga dalka, Taliye Xaamud, ayaa lacago abaalmarin ah siiyey dhallinyaradii hoggaamineysay Gaadda ka cayaarka iyo macallintooda, waxa uu sidoo kale si gaar ah abaalmarin u guddoonsiiyey qeybta Music-ga ee  Kooxda Heegan.
Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed  ayaa isu diyaarinaya xuska sannad-guurada 73-aad ee Ciidammada ugu faca weyn dalkeenna ee Booliiska Soomaaliyeed, kuwaas oo Taariikh dheer ku leh dalka, waxaana muddooyinkan dambe socdey isbaddel dhan walba ah oo lagu tayeynayo ciidanka.
unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14) unnamed (15) unnamed (16) unnamed
Previous Post

Shan xildhibaan oo maanta lagu doortay magaalada Jowhar.

Next Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In