Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha booliska oo kormeerey imtixaan ka socday Janaraal Kaahiye

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo taliyeyaasha cusub ee Asluubta iyo Booliska kula dardaarmey dardargelinta hawlaha amniga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya sareeyo gaas  Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa kormeerey xarunta akadeemiyadda tababarada ciidanka booliiska ee Janaraal Kaahiye halkaas oo uu ka socoday imtixaan laga qaadayo arday soo codsatay in ay kamid noqodaan ciidanka booliiska Soomaaliya.

Saraayo gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, taliyaha ciidanka booliiska oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qorshahan ardayda ka soo baxday dugsiyada iyo jaamacadaha dalka loogu biirinayo booliiska ay tahay mid taliska uu ku doonayo in uu ku tayeeyo aqoonta ciidanka isla markaana dhalinyarada fursad loogu siinayo in ay ka qeyb qaataan u adeegidda qaranka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in taliska uu baafiyay arintan bilowgii sanadkan si ardayda doonaysa in ay kamid noqodaan ciidanka booliiska Soomaaliya ay fursad ugu helaan, isagoo tilmaamay in u jeedada ay tahay in la helo dhalinyaro aqoon u leh sharciyada booliiska dalka maadaama saraakiishii hore da’ ahaan weynaadeen.

“Runtii arintaan ogeysiiskeeda waxaa la bilaabay 25 kii January ilaa Febraayo ayay socotay marka dambe waxaan ogaanay in  waqti badan loo baahan yahay ilaa Maarso dhexdeeda ayaa wadnay, dhalinyaro badan oo gaaraya 200-300 ayaa keensatay arjigooda iyo shahaadooyinkooda waa la kala xuley shahaadooyinkii qaar badan waxaa ay noqdeen kuwo aan sax aheyd wasaaradda inta ay xaqiijisay waxaa ay noqdeen ku dhowaad 200,” ayuu yiri taliyaha.

Sareeyo gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, taliyaha booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in imtixaanka laga qaadayo ardayda uu yahay mid lagu xaqiijinayo aqoontooda isla markaana maadooyinka Chemistry, Biology,  Farta Soomaaliga, English iyo Carabiga laga qaadayo ayna tahay arin nidaami ah oo shakhsiga lagu hubinayo aqoontiisa.

Sanadkii hore bishii Luulyo ayaa sidan oo kale taliska uu qaatay arday ka soo baxday dugsiyada iyo jaamacadaha dalka kuwaas oo hadda tababar ugu kala jira dalka iyo dibadiisa.

 

Previous Post

R.W Cumar “Waan la xanuunsaneynaa walaalaheena Turkiga ee la dhibaateeyay iyaga oo shacabkeena gargaaraya”

Next Post

Wasiiro koofur galbeed ka socda oo Waajid gaaray

Next Post
Wasiiro koofur galbeed ka socda oo Waajid gaaray

Wasiiro koofur galbeed ka socda oo Waajid gaaray

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In