Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu soo gabo gabeeyay siminaar ku saabsan Horumarinta Farsamada Baarista Dembiyada, kaas oo muddo laba maalmood ah ugu socday Saraakiisha Booliska, gaar ahaan inta ku shaqada leh hawlaha baarista Dembiyada, sida Hoggaanka Baarista dembiyada ee CID, Qaybaha Booliska G/Benaadir, Saldhigyada Booliska G/Benaadir, Ciidamada sida gaarka ah u hawlgala, qaybta ilaalinta canshuraha & dhaqaalaha, iyo Qaybta Nabadgelyada waddooyinka.
Aqoon-iswaydaarsiga oo ay casharo wax ku ool ah ka bixinayeen Saraakiil Sare oo Ciidanka ka tirsan, Xeer ilaalinta Dalka iyo Garsoorayaal ka socday Maxkamdda G/Benaadir, waxaa wixii laga faaidaysatay muddadii uu socday siminaarka ka soo jeediyay S/Guuto Maxamed Yususf Cumar Madale, isagoo sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii la isku afgartay oo ay ka mid yihiin in la soo saaro Amaro joogto ah oo khuseeya habraaca shaqada Baarista Dembiyada si looga gudbo dhiliilaha ka yimaada ee xagga farsamada Baarista ah, in la joogteeyo kulamada lala qaato Xeer ilaalinta & garsoorka si loo saxo khaladaadka ku yimaada shaqada baarista. Dr. Aways Sh. C/llaahi
Dr. Maxaamed Xasan oo ah ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka ayaa isagana aad u amaanay Siminaarkaan lagu saxayo khaladaadka barista isla markaana lagu horamarinayo habka baarista Dembiyada ee Saldhigyada Boliiska, isagoo waxyaabihii laga codsaday Xeer ilaalinta sheegay in uu u gudbinayo madaxdiisa si ay doorka xeer ilaalintu u ahaato mid joogto ah ay kula shaqeeyaan Boliiska.
Sidoo kale waxa kalmad kooban ka soo jediya gebagebadii siminaarka Dr. Aways Sh. C/llaahi oo ah Garsooraha Maxkamdda G/Benaadir, ayuu ku shegay in wax badan siminaarkaan la isku xasuusiyay, sidoo kalena haddaan la is dhaliilin aan waxba la sixi Karin, wuxuuuna si aad ah u amaanay Taliyaha Boliiska oo runtii waqti badan u huray sixidda iyo horumarinta shaqada Boliiska oo ah halka ay ka bilaabato Garsoorka,
Ugu damabayntii Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Saraakiisha u sheegay in ciidanka dhexdiisa ay ka jirtay baahi, si looga baxana ay khasab ahayd in la is waydiiyo waxa ay tahay baahidaasi, Dadwayanaha Soomaaliyeed waxa badan ayay ku tuhmayaan Ciidanka Boliska, maadama laga soo gudbay marxaladdii fowdada, waxayna aaminsan yihiin in ay caddaalad helaan, haddaan shaqada boliiska ee xagga baarista la horu marinna aysan dadwaynuhu heli Karin caddaaladii ay aamineen in ay heli doonaan, waana taas baahida keentay in siminaarkaan lagu iftiiminayo ciladaha xagga farsmada baarista ee haysata saraakiisha Boliiska la qabto, isla markaana kor loogu qaado wacyiga iyo fahamka marxaladda lagu jiro oo ah in laga gudbay jahligii iyo qabiilaysigii loona gudbay marxalad aqoon iyo xirfad lagu shaqeeyo.
Ugu dambayntii ayaa Taliyaha aad uga mahadceliyay Macalimiintii aqoontooda ku kordhiyay Sarakiihsa Booliska iyo Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka, isagoo ka soo qaybgalayaasha siminarka kula dar daarmay in ay Aqoontooda horu mariyaan, wax walba oo ay qabanayaan ay Alle dartii u qabtaan una shaqeeyaan Shacabkooda ka sugaya adeegga helidda caddaalad iyo sinaan.