Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha booliska oo siminaar ku saabsan farsamada baarista dambiyada u soo xiray saraakiil ciidan”SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 17, 2016
in Wararka
0
Taliyaha booliska oo siminaar ku saabsan farsamada baarista dambiyada u soo xiray saraakiil ciidan”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu soo gabo gabeeyay siminaar ku saabsan Horumarinta Farsamada Baarista Dembiyada, kaas oo muddo laba maalmood ah ugu socday Saraakiisha Booliska, gaar ahaan inta ku shaqada leh hawlaha baarista Dembiyada, sida Hoggaanka Baarista dembiyada ee CID, Qaybaha Booliska G/Benaadir, Saldhigyada Booliska G/Benaadir, Ciidamada sida gaarka ah u hawlgala, qaybta ilaalinta canshuraha & dhaqaalaha, iyo Qaybta Nabadgelyada waddooyinka.

Aqoon-iswaydaarsiga oo ay casharo wax ku ool ah ka bixinayeen Saraakiil Sare oo Ciidanka ka tirsan, Xeer ilaalinta Dalka iyo Garsoorayaal ka socday Maxkamdda G/Benaadir, waxaa wixii laga faaidaysatay muddadii uu socday siminaarka ka soo jeediyay S/Guuto Maxamed Yususf Cumar Madale, isagoo  sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii la isku afgartay oo ay ka mid yihiin in la soo saaro Amaro joogto ah oo khuseeya habraaca shaqada Baarista Dembiyada si looga gudbo dhiliilaha ka yimaada ee xagga farsamada Baarista ah, in la joogteeyo kulamada lala qaato Xeer ilaalinta & garsoorka si loo saxo  khaladaadka ku yimaada shaqada baarista. Dr. Aways Sh. C/llaahi

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Dr. Maxaamed Xasan oo ah ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka ayaa isagana aad u amaanay Siminaarkaan lagu saxayo khaladaadka barista isla markaana lagu horamarinayo habka baarista Dembiyada ee Saldhigyada Boliiska, isagoo waxyaabihii laga codsaday Xeer ilaalinta sheegay in uu u gudbinayo madaxdiisa si ay doorka xeer ilaalintu u ahaato mid joogto ah ay kula shaqeeyaan Boliiska.

Sidoo kale waxa kalmad kooban ka soo jediya gebagebadii siminaarka Dr. Aways Sh. C/llaahi oo ah Garsooraha Maxkamdda G/Benaadir, ayuu ku shegay in wax badan siminaarkaan la isku xasuusiyay, sidoo kalena haddaan la is dhaliilin aan waxba la sixi Karin, wuxuuuna si aad ah u amaanay Taliyaha Boliiska oo runtii waqti badan u huray sixidda iyo horumarinta shaqada Boliiska oo ah halka ay ka bilaabato Garsoorka,

Ugu damabayntii Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Saraakiisha u sheegay in ciidanka dhexdiisa ay ka jirtay baahi, si looga baxana ay khasab ahayd in la is waydiiyo waxa ay tahay baahidaasi, Dadwayanaha Soomaaliyeed waxa badan ayay ku tuhmayaan Ciidanka Boliska, maadama laga soo gudbay marxaladdii fowdada, waxayna aaminsan yihiin in ay caddaalad helaan, haddaan shaqada boliiska ee xagga baarista la horu marinna aysan dadwaynuhu heli Karin caddaaladii ay aamineen in ay heli doonaan, waana taas baahida keentay in siminaarkaan lagu iftiiminayo ciladaha xagga farsmada baarista ee haysata saraakiisha Boliiska la qabto, isla markaana kor loogu qaado wacyiga iyo fahamka marxaladda lagu jiro oo ah in laga gudbay jahligii iyo qabiilaysigii loona gudbay marxalad aqoon iyo xirfad lagu shaqeeyo.

Ugu dambayntii ayaa Taliyaha aad uga mahadceliyay Macalimiintii aqoontooda ku kordhiyay Sarakiihsa Booliska iyo Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka,  isagoo ka soo qaybgalayaasha siminarka kula dar daarmay in ay Aqoontooda horu mariyaan, wax walba oo ay qabanayaan ay Alle dartii u qabtaan una shaqeeyaan Shacabkooda ka sugaya adeegga helidda caddaalad iyo sinaan.

2 3 4 5 6 unnamed (1) unnamed

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle oo maanta dooranayo madaxweyne.

Next Post
Dib u dhac ku yimid Jadwalka Doorashooyinka Maamulka Hirshabeelle

Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle oo maanta dooranayo madaxweyne.

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In