Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidamada Qeybta 21aad oo talis mideysan u sameeyay ciidmada Amniga degmada Caabudwaaq “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidamada Qeybta 21aad oo talis mideysan u sameeyay ciidmada Amniga degmada Caabudwaaq “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu mideenayay ciidmadda Xasilinta Waqooyiga Gobalka Galgaduud ee kala ah Booliska, Nabad Sugidda iyo Militariga ayaa lagu qabtay sandhiga degmada Caabudwaaq, waxaana loo sameeyay Hal talis oo leh Taliye iyo Taliye kuxigeen.

Related posts

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026

Masuuliyiinta ka soo qaybgashay ee goob jooga u ahaa munaasabaddaan lagu mideynayay Ciidamadaan, waxaa kamid ahaa Maamulka degmadda Caabudwaaq, Taliyaha Ciidamada Qeybta 21aad, Guddiga Xasilinta, Odoyaasha dhaqanka iyo xubno ka socday qaybaha kala duwan ee Bulshada

Guddoomiyaha Degmadda Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi oo isku darka ciidamada ka hadlay ayaa ku booriyay inay si wada jir ah uga qeyb qaataan xasilinta amniga.

Axmed Caafi iyo Saacid Ashkir Dhudub oo kamid ah Guddiga xasilinta degmadda Caabudwaaq ayaa sheegay in Mideynta Ciidamada Amniga degmada looga gonleeyahay in lagu xoojiyo Amniga iyo Nabadda hadda ka jirta degmada Caabudwaaq.

Xildhibaan Bile Salaad Diini oo kamid ah Xildhibaanada Galmudug, Taliyaha Saldhigga degmadda Caabudwaaq Maxamuud Maxamed Cadde iyo Ugaas Axmed Barre Taakooy ayaa sheegay in mideynta ciidamadaan ay xoojin doonto nabad galyadda degmada, waxaana ay ciidamada kula dar daarmeen in ay iyaguna ilaaliyaan Sharciga.

Taliyaha Ciidamadda Qeybta 21aad Cabdulaahi Aadan Xuseen “Cirro” oo dar daaran dheer ujeediyay ciidamadaan ayaa sheegay in Taliyaha Ciidamada Xasilinta loo magacaabay Dhame Maxamed Yuusuf Axmed Barre, kana tirsan Ciidamada militariga, Halka kuxigeenkiisana loo magacaabay  Axmed Macalin Cabdullaahi kana tirsan Ciidanka Nabad Sugidda.

Cabdikariin Axmed Bulxan

Caabudwaaq

Previous Post

AFRICOM “Waxaan howlgal ku dilnay xubno ka tirsan Al-Shabaab”

Next Post

Wasaaradda Maaliyadda oo qorsheyneysa inay la wareegto qaadista lacagaha ka soo xaroodo Maamulka Hawada

Next Post
Shir looga hadlayo maamulka hawada Soomaaliya oo ka furmi doona Nairobi

Wasaaradda Maaliyadda oo qorsheyneysa inay la wareegto qaadista lacagaha ka soo xaroodo Maamulka Hawada

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarun koronto...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In