Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidamada Qeybta 21aad oo talis mideysan u sameeyay ciidmada Amniga degmada Caabudwaaq “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 28, 2018
in Wararka
0
Taliyaha Ciidamada Qeybta 21aad oo talis mideysan u sameeyay ciidmada Amniga degmada Caabudwaaq “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu mideenayay ciidmadda Xasilinta Waqooyiga Gobalka Galgaduud ee kala ah Booliska, Nabad Sugidda iyo Militariga ayaa lagu qabtay sandhiga degmada Caabudwaaq, waxaana loo sameeyay Hal talis oo leh Taliye iyo Taliye kuxigeen.

 

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Masuuliyiinta ka soo qaybgashay ee goob jooga u ahaa munaasabaddaan lagu mideynayay Ciidamadaan, waxaa kamid ahaa Maamulka degmadda Caabudwaaq, Taliyaha Ciidamada Qeybta 21aad, Guddiga Xasilinta, Odoyaasha dhaqanka iyo xubno ka socday qaybaha kala duwan ee Bulshada

Guddoomiyaha Degmadda Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi oo isku darka ciidamada ka hadlay ayaa ku booriyay inay si wada jir ah uga qeyb qaataan xasilinta amniga.

Axmed Caafi iyo Saacid Ashkir Dhudub oo kamid ah Guddiga xasilinta degmadda Caabudwaaq ayaa sheegay in Mideynta Ciidamada Amniga degmada looga gonleeyahay in lagu xoojiyo Amniga iyo Nabadda hadda ka jirta degmada Caabudwaaq.

Xildhibaan Bile Salaad Diini oo kamid ah Xildhibaanada Galmudug, Taliyaha Saldhigga degmadda Caabudwaaq Maxamuud Maxamed Cadde iyo Ugaas Axmed Barre Taakooy ayaa sheegay in mideynta ciidamadaan ay xoojin doonto nabad galyadda degmada, waxaana ay ciidamada kula dar daarmeen in ay iyaguna ilaaliyaan Sharciga.

Taliyaha Ciidamadda Qeybta 21aad Cabdulaahi Aadan Xuseen “Cirro” oo dar daaran dheer ujeediyay ciidamadaan ayaa sheegay in Taliyaha Ciidamada Xasilinta loo magacaabay Dhame Maxamed Yuusuf Axmed Barre, kana tirsan Ciidamada militariga, Halka kuxigeenkiisana loo magacaabay  Axmed Macalin Cabdullaahi kana tirsan Ciidanka Nabad Sugidda.

 

 

Cabdikariin Axmed Bulxan

Caabudwaaq

Previous Post

AFRICOM “Waxaan howlgal ku dilnay xubno ka tirsan Al-Shabaab”

Next Post

Wasaaradda Maaliyadda oo qorsheyneysa inay la wareegto qaadista lacagaha ka soo xaroodo Maamulka Hawada

Next Post
Shir looga hadlayo maamulka hawada Soomaaliya oo ka furmi doona Nairobi

Wasaaradda Maaliyadda oo qorsheyneysa inay la wareegto qaadista lacagaha ka soo xaroodo Maamulka Hawada

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In