Thursday, October 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka oo Booqday Saldhiga Turkiga ee Muqdisho

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka oo Booqday Saldhiga Turkiga ee Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa Maanta booqday Saldhiga Dowlada Turkiga ee Magaalada Muqdisho, halkaas uu ka socdo tababar tayo sare leh oo la siinayo ciidamo gaaraya 400 oo isugu jira Saraakiil, Saraakiil xigeen iyo ciidamo.

Taliyaha ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Turkiga ee Tababarka siineysa Ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna ka dhageystay warbixin ku saabsan sida Tababarka uu u socdo, isagoo sidoo kale mid mid u kormeeray qeybaha Cuntada, Jiifka, Tababarka iyo Fasalada ay ku wax ku bartaan ciidamada.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Intaas ka dib Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa khudbad dheer u jeediyay Saraakiisha, Saraakiil xigeenada iyo Ciidamada Tababarka uu u socdo, isagoo ku booriyay in ay tababarka si wanaagsan kaga faaโ€™iideystaan, maadaama uu yahay mid tayo fiican leh isla markaana ay tahay fursad qaali ah oo ay ciidamada u heleen inay ku tababartaan Saldhigan leh adeeg kasta oo ka jira Saldhigyada caalamka, wuxuuna ku dhiiri galiyay ciidamada inay yihiin Madaxda Mustaqbalka lagana doonayo inay si wadaniyad iyo dal jaceyl ku jirto wax u bartaan si ay dalka u hoggaamiyaan cadowga Nabad diidka ahna ula dagaalaan.

Taliya Ciidamada Xoogga ayaa sidoo kale u mahad celiyay Saraakiisha Dowladda Turkiga ee tababarka bixineysa, wuxuuna si guud dowladda Turkiga ugu amaanay Taliyaha doorka ay ku leedahay dib u dhiska ciidamada xoogga dalka, oo guud ahaan la doonayo inay la wareegaan amniga dalka.

Previous Post

Maxakamadda Ugu sareysay ee Kenya oo Sharciyaysay dib u doorashadii Kenyattaย 

Next Post

Raโ€™iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed (SAWIRRO)

Next Post
Raโ€™iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed (SAWIRRO)

Raโ€™iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed (SAWIRRO)

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

October 6, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฆm๐ž๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐๐ž๐ ๐ฆ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐š๐ง๐›๐š๐ฅ๐ฅ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ข๐œ๐ž๐ž๐ฅ

October 5, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In