Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa kulan la-qaatay odayaasha dhaqanka kuwaas oo uu kala kulmay magaalada Baydhabo, Taliyaha ayaa odayaasha kala hadlay xaaladda deegaanka iyo nolosha magaalada ka jirta, kaddib isbeddeladii dhawaan ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Taliye Xaamud ayaa odayaasha deegaanka u ballanqaaday in Ciidanka Qalabka Sida ay door muuqda ka qaadan doonaan sugidda amniga guud iyo caawinta bulshada.
Dhankooda, odayaasha dhaqanka ayaa uga mahadceliyay Taliyaha kulanka uu la qaatay, waxayna ballanqaadeen in si dhow ula shaqeyn doonaan ciidanka naftooda u huraya ee dalka ka dulqaadaya cadawga argagixisada ah.











