Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka Asluubta oo shir uga qeybgalaya dalka Zambia+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka Asluubta oo shir uga qeybgalaya dalka Zambia+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya S/Gaas Bashiir Mohamed Jamacayaa magaalada Livinstone ee dalka Zambia  uga qeyb galaya  shirka 2-di Sanaba Mar la qabto ee Talisyada Ciidamada Asluubta Africa.

Taliyaha intuu halkaas joogay wuxuu Kulamo la qaatay Taliyayashi ka soo qeyb galay oo ay ka mid aheyn taliyaha ciidanka Asluubta ee dalka Sudan iyo taliye ku xigeenka Asluubta wadanka Koofur Sudan  waxa ayna ka wada hadleen sidii ay talisyadaasi u yeelan lahaayeen iskaashi.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Taliyaha wuxuu booqday Xabsiga weyn ee Magalada Livingstone ee dalka Zambia, isagoo u kuurgalay xaaladda maxaabiista xabsigaasi, Nasiib Wanaag kuma aysan jirin maxaabis Soomaali ah.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliye, S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac “Goobbe” Ayaa shirka ku soo bandhigay Qorshihiisa horumarineed ee dhismooyinka iyo isbedelada dhawaanahan uu ku sameynayay Xabsiyada dalka, wuxuuna xusay in wax badan is bedel lagu sameeyay nolosha maxaabista.

“Isbedallada wax laga qabtay waxa ka mid ah in Xabsiga Xamar oo la dhigay qol walbo 1:-Sariiro, Joodari iyo Maro kaneecoyin uu maxbuus walbo xaq uyeelanayo, 2:-Mashruuc weyn oo biyo galin loogu sameeyay Xabsiga Xamar, Qofwalbo maxbuus ah uu heli karo biyo nadiif ah oo aanan go’eyn, 3:-Qolalka Xabsiga in lagu sameeyay qalabeyn Dhalooyin Telefishino ee maxbuusku ka daawado aqbaaradka Caalamka, Ciyaaraha, Barnaamijyada diiniga ah iyo Muuqaalo waxbarashadooda kor u sii qaadeya 3:- Xabsiga Qeybta garsugaha oo bur bursanaa in la dhisay oo haatan ay shaqeyneyso qeybtaas, 3:- Waxa la dhisay Taliska KMG ee Xamar oo sii KMG loogu si shaqeyn doono inta laga dhisaayo Taliski weynaa oo haatan dhismiihisu heer gabo gabo ah maraya, 4:- Waxa la dhisay warshadi tababarada iyo Dhaqan celinta Maxaabista, Warshada waxa hadertaan ka socda wax soo saar ay maxaabista iyo Ciidanka oo wada jir ah ay wax ku soo saarayan” ayuu yiri Jeneraal Bashiir Goobbe.

Taliyaha inta uusan safarkiisa soo gabo gaboobin wuxuu kulamo gaar gaar ah la leeyahay Saraakisha iyo Madaxda Ka soo qeyb gashay shirkaaas.

FB_IMG_1463690489107 FB_IMG_1463690495693 FB_IMG_1463690498103 FB_IMG_1463690508329

Previous Post

Madaxweynaha oo Golaha Ammaanka u xaqiijiyey in doorashada Soomaaliya ay dhacayso waqtigii loogu talagaley

Next Post

wasaaradda Dastuurka oo tababar u soo xirtay ururrada bulshada+Sawirro

Next Post
wasaaradda Dastuurka oo tababar u soo xirtay ururrada bulshada+Sawirro

wasaaradda Dastuurka oo tababar u soo xirtay ururrada bulshada+Sawirro

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In