Thursday, October 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka Asluubta oo soo xiray tartan aqooneed loo qabtay maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe “SAWIRRO”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka Asluubta oo soo xiray tartan aqooneed loo qabtay maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyed Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jamac Keynaan ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay gaari aan xabada karin oo bus ah iyo dhar isboorti oo ay soo dhiibeen Ururka Aadanimada  ee saxiibada Dawladd Jarmalka kaa oo loogu talagalay in loogu adeego maxabiista Soomaaliyeed,

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan ayaa u mahad celiyay Dawladda Jarmalka, isagoo dhinaca kale qalab caafimaada iyo dhar isboorti oo loogu talagalay carruurta agoonta oo ay gacanta ku hayaan taliska ciidanka booliska uu ku wareejiyay taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ayaa sheegay in qalabkaan caafimaadka ah uu waxbadan ka tari doono dhamaan ciidamada qalabka sida, gaar haan ciidamada booliska iyo Asluubta .

Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa soo  xiray tartankii Aqoon korarsiga ahaa ee ka socday Xabsiga Dhaxe ee Xamar  oo kor loogu qaadayay aqoonta, iyadoo maxabiistii kaalimada hore ka galay tartanka la guddoonsiyay abaal marino oo ay ku farxeen maxbiista ku jirta xabsiga dhexe ee Xamar.

Maxamed Muuse Maxamed oo ka mida ah howlwadeenada  Idaacada Ciidamada Qalabka sida  ayaa sheegay inuu sii laba jibaari doono sidii loo joogteyn lahaa tartamada nuucaani oo kale ah, si sare loogu qaado aqoonta maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee Xamar.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko  ayaa u hambalyeeyay maxbiistii  kaalimaha hore ka galaya tartanka.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamaca Keynaan ayaa ku dhiira geliyay maxaabiista in ay sii laba jibaaran aqoontooda, isla markaana aysan isu arag dad aan rajo la hayn nolosha.

 

Previous Post

Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida oo ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka

Next Post

Wasaaradda Awqaafta oo shaacisay in berri ay ciid tahay

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay dadaalka lagu dhex dhexaadinayo Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Wasaaradda Awqaafta oo shaacisay in berri ay ciid tahay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In