Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo xarigga ka jaray xarun Caafimaad oo Xabsiga dhexe laga Hirgaliyey “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 15, 2017
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka Asluubta oo xarigga ka jaray xarun Caafimaad oo Xabsiga dhexe laga Hirgaliyey “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Arbaco 15-03-2017 —-Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa xarigga ka jaray Xarun Caafimaad oo Xabsiga dhexe ee Xamar laga hirgaliyey, waxaana xaruntan Caafimaad yaala Qalabka lagu baaro Cudurada kala duwan gaar ahaan T.B da, iyadoo Maxbuuskii laga helo cudurkan la siinayo daawooyinkii loogu talagalay, Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya, Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaana iska kaashaday hirgalinta Xaruntan Caafimaad.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed,  Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in Xaruntan Caafimaad loogu tala galay in lagu daweeyo Maxaabiista iyo Askarta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in Dhaqaatiirta ka shaqeyneyso ay ka tirsan yihiin  Ciidanka Asluubta, ayna Aqoon u leeyihiin Caafimaadka.

Dhanka kale Wafdi ka socday Hay’adda Qaramadda Midoobay ayaa Maanta booqday Xabsiga dhexe ee Xamar, iyagoo soo arkay Horumarka weyn ee iminka ka jira Xabsiga, oo ay ka mid yahay Warshadda tababarka Maxaabiista, Xarumaha Waxbarasho iyo qeybaha kale ee Xabsiga uu ka kooban yahay, iyagoo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ku ammaanay Sida uu ka dhigay Xabsiyada dalka iyo Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, si gaar ah ayey u sheegeyn in Xabsiga dhexe ee Xamar addeegyada laga hirgaliyey ee kala duwan, uusan jirin Xabsi leh, marka laga hadlayo Qaaradda Afrika ee aan ka midka nahay.

–DHAMMAAD–

 

Previous Post

Wasiir Diini oo kormeer ku tagey xarun lagu tababari doono Saraakiisha Ciidanka “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo iyo Xog-hayaha Arrimaha Dibedda Britian oo Muqdisho ku kulmay “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo iyo Xog-hayaha Arrimaha Dibedda Britian oo Muqdisho ku kulmay “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo iyo Xog-hayaha Arrimaha Dibedda Britian oo Muqdisho ku kulmay "SAWIRRO"

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In