Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo xilka si rasmi ah ula wareegay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka Asluubta oo xilka si rasmi ah ula wareegay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka  iyo taliyeyaasha ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabad uu xilka kula wareegayey Taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ka qayb gashay munaasabada uu maanta xilka kula wareegayay taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Cadaaladda, Wasiirka Amniga, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ,Taliyaasha ciidamada qalabka sida qaybahooda kala duwan sida Xoogga, Booliska, Nabadsugidda, badda iyo cirka sidoo kale taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Jeneraal C/laahi Gaafow Maxamuud iyo marti sharaf kale.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026

Ugu horeyn waxaa ka hadlay munaasabada taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamuud Tuur yare oo ciidanka Asluubta ugu hambalyeeyay taliyaha cusub ee loo magacaabay, isagoo xusay in uu yahay nin karti u leh hogaaminta ciidanka.

Taliyaha booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa waxaa uu taliyaha cusub ee Asluubta uu kula dardaarmay in howshii uu soo qabtay taliyihii ka horeeyay uu halka ay joogto ka sii amba qaado, isla markaana waxqabad la taaban karo uu la yimaado.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye guuto Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarsho) ayaa waxaa uu taliyaha xilka la wareegay iyo Wasaaradda cadaaladda ka codsaday in xaruntii taliska ciidanka Asluubta dib loo dayactiro, taasi oo uu ku sheegay inay ka qayb ka qadaan karto ammaanka Magaalada.

Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta oo maanta xilka wareejiyay Sareeye guuto Xuseen Xasan Cismaan ayaa waxaa uu ka codsaday saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka Asluubta in ay la shaqeeyaaan taliyaha cusub.

Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe)Taliyaha ciidanka Asluubta ayaa waxa uu balan qadaay in inta uu awoodo uu horumarin ku sameyn doono ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, isla markaana uu xoogga saari doono sidii xaruntii ciidanku lahaa dib u dhis loogu sameyn lahaa.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa waxaa uu walaac ka muujiyay xabsiyada Soomaaliya, waxaana uu ka codsaday taliyaha cusub in uu xil iska saaro dhismaha iyo hagaajinta xabsiyadii dalku lahaa.

Wasiirka cadaaladda xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilka jiir) oo gabagabadii soo xiray munaasabadaas ayaa waxaa uu dar daaran guud u soo jeediyay ciidanka Asluubta iyo taliskooda cusub, isagoo tilmaamay in Wasaaraddu ay gacan ka geysan doonto dib u dhiska xaruntii ciidanka Asluubta.

1 2 3 4 111

Previous Post

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo kormeeray iskuul ku yaalla duleedka Cadaado “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Faah Faahin Ka Siiyay Waxqabadka Wasaaradda Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Faah Faahin Ka Siiyay Waxqabadka Wasaaradda Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Faah Faahin Ka Siiyay Waxqabadka Wasaaradda Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In