Sunday, February 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka Booliiska iyo Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay saldhig Booliis

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka Booliiska iyo Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay saldhig Booliis
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta si wada jir ah u dhagax dhigay saldhig cusub oo uu yeelanaayo degmada Waberi ee gobolka Banaadir.

Dhismaha Saldhiggaan cusub ayaa waxaa laga hirgaliyay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in dhismihiisa uu fududeyay maamulka gobolka Banaadir.

Related posts

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026
Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026

Gudoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho, mudane Yusuf Xuseen Jimcaale “Madaale” oo ka warbixiyay dhismaha saldhigga cusub ee degmada Waberi ayaa sheegay in dhismaha saldhiga laga fuliyay mashruuca dalkaada dhiso oo ah mashruuc uu maamulka gobolka ugu talo galay horumarinta caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho.

“Hirgalinta Saldhigaan cusub waxaa fududeeyay mashruuca dalkaada dhiso oo ah mashruuc uu maamulka gobolka ugu talo galay horumarinta gobolka Banadir, waxaana bulshada Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay laba laabaan ka qeyb qaadashada mashruuca dalkaada dhiso oo haatanba muuqato miro dhalkiisa” ayuu yiri, gudoomiyaha gob Gudoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho, mudane Yusuf Xuseen Jimcaale “Madaale”.

Taliya Ciidamda Boliiska Soomaaliyeed, Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa dhankiisa tilmaamay in dhisamaha saldhigga cusub ee degmada Waaberi uu waxbadan ka badali doono amniga degmada iyo kan gobolka Banaadir, waxa uuna bogaadiyay dadaalka maamulka gobolka Banaadir ee la xiriira dhinaca horumarka iyo amniga.

“Saldhigga Cusub ee maanta la dhagax dhigay waxa uu qeyb weyn ka qadaan doonaa dadaallada nadabeed ee gobolka Banaadir, sidaa daraadeed waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay ka qeyb qaataan nabad galyada iyo la shaqeynta ciidamada amaanka” ayuu yiri, Taliya Ciidamda Boliiska Soomaaliyeed, Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Saldhigga cusub ee degmada Waberi ayaa lagu wadaa in uu qeyb ka qaado amniga degmada Waaberi iyo kan gobolka Banaadir.

Previous Post

Daawo Sawirrada: Xarunta agoonta gabdhaha Boondheere oo laga hirgelinayo Ceel-biyood

Next Post

Ciidamada ilaalinta deegaanka Xamar oo howlo burburin ah ka fuliyay Muqdisho

Next Post
Ciidamada ilaalinta deegaanka Xamar oo howlo burburin ah ka fuliyay Muqdisho

Ciidamada ilaalinta deegaanka Xamar oo howlo burburin ah ka fuliyay Muqdisho

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa shir-guddoomiyay kulan Guddiga...

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

February 21, 2026
0

Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 20-aad ee...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

February 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo oo laga gaaray horumarinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In