Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo saraakiil uu hogaaminayo ayaa maanta kormeer ku tagay deegaanka Ceelasha Biyaha, oo mudooyinkii dambe ciidamada ammaanka ay ka wadeen howlgallo lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda iyo deegannada ku teedsan.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa saraakiisha hogaamineysa Ciidamada amniga ku dhiirigeliyay in la dardargeliyo sugidda amniga iyo inay sii xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.