Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Booliska “ Gaalkacyo waxaa kusoo arkay Ciidan iyo Shacab isku duuban oo adkeynta Nabadda ka shaqeynayo “

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka Booliska “ Gaalkacyo waxaa kusoo arkay Ciidan iyo Shacab isku duuban oo adkeynta Nabadda ka shaqeynayo “

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” oo uu wehliyo Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Michel keating iyo Masuuliyiin kale, ayaa  kormeer hal maalin ah ku tagay magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Wafdiga uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf kusoo dhoweeyey Saraakiil iyo Masuuliyiin ka kala tirsan Dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, waxaana halkaasi taliyaha uu salaam sharaf kaga qaatay Cutubyo ka tirsan Booliska.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, ayaa kormeeray Xarunta ay ku shaqeeyaan Ciidanka Booliska ee isku dhafka ah  ee Puntland iyo Galmudug, waxaana Taliyaha uu warbixin ku saabsan ammaanka magaaladda uu ka dhageystay saraakiisha Xaruntaasi ku sugan.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Michel keating, ayaa sheegay in magaaladda Gaalkacyo hadda ay sameysay horumar ballaaran, waxaana uu tilmaamay in muddo yar ka hor mar uu yimid magaaladda hadda ay ka duwan tahay, ifafaalo nabadeedna ay muuqaneyso.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko”, ayaa dhankiisa sheegay in wax lagu farxo ay tahay Nabadda ka jirta hadda magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, isaggoo kula dardaarmay Ciidanka Booliska ee isku dhafka ah inay laba jibaaraan shaqadooda, ayna u naxariistaan dadka Shacabka ah.

Gen. Bashiir Ameeriko, ayaa Bulshadda ku nool magaaladda Gaalkacyo ugu baaqay in Ciidanka ay kala shaqeeyaan Sugida nabad gelyada, waxaana uu tilmaamay dagaal qasaaro maahee faa’iido uusan laheyn.

“ Ummadda ku nool magaaladda Gaalkacyo way ka daashay dagaal iyo colaad, waa in markaan aan u soo jeesano siddii gaalkacyo ay ku heli laheyd Nabad buuxda iyo Horumar ballaaran, magaaladaan qiimo ayey ugu fadhisaa Ummadda Soomaaliyeed, waana in Bulshadda ku nool ay Ciidanka ku gacan siiyaan sugida ammaanka, waxaa wax lagu farxo ah in Ciidanka iyo Bulshadda ay iskaashanayaan”  ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Wafdigii uu hoggaaminayey, ayaa waxay ka dukaameysteen Suuqa weyn ee Magaaladda Gaalkacyo, isaggoo ganacsatada uga mahad celiyey kaalintii ay ka qaateen Nabadeynta Magaaladda.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
Previous Post

Wasiirka Qorsheynta oo daah-furay Tababar ku aadan Aas-aaska Xogaha iyo Tirakoobka Dalka+Sawirro

Next Post

Madaxweynaha oo faray laamaha ammaanka in ay dib u habayn ku sameeyaan istaraatiijiyadda sugidda amniga caasimadda

Next Post
Madaxweynaha oo faray laamaha ammaanka in ay dib u habayn ku sameeyaan istaraatiijiyadda sugidda amniga caasimadda

Madaxweynaha oo faray laamaha ammaanka in ay dib u habayn ku sameeyaan istaraatiijiyadda sugidda amniga caasimadda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In