Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka booliska iyo guddoomiyaha gobolka oo ka qeyb qaatay dhismaha Saldhig boolis “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka booliska iyo guddoomiyaha gobolka oo ka qeyb qaatay dhismaha Saldhig boolis “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed oo uu wehliyo Guddoomiyaha Gobolka  Banaadir iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka booliska ayaa maanta   hawlo  kormeer  ah ku tegay Saldhigga booliska ee Degmada  Xamar  Jabjab oo  dhismihiisa  uu ka socdo  halkaasi, isla markaana meel fiican maraya, waxaana howsha si wada jira ah uga qeyb qaadanayay saraakiisha ciidanka booliska iyo maamulka gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale  ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka qaybqaadanayaan dhismaha saldhigga  Booliska  Xamar  Jabjab,  isagoo xusay inay ku kabayaan  dhismaha  saldhigga  lacag dhan tobon kun oo doolar,  waxaana  uu raja wanaagsan ka muujiyay in lagu guulaysan doono qorshaha iskaa wax uqabso  ah ee lagu dhisayo saldhigga.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamad Sheekh Xasan Xaamud  ayaa ka sheekeeyay  sida  ay ku dhalatay  fikrada  dhismaha  saldhigaan iyo marxaladiihii uu soo  maray,  waxaana uu intaa ku daray qorshaha iskaa wax uqabso ee lagu dhisayo saldhigaan uu bilaw unoqonayo dib u dayactirka saldhigyada booliska ee gobolka banaadir.

“Runtii bishii November ayaan halkan dhagax dhignay oo aan bilownay in laga dhigo saldhig boolis, howshan waxaa lagu bilaabay lacag ay iska arruuriyeen ciidanka booliska iyo Maamulka degmada Xamar Jajab oo dhankooda wax ku kabay, marka waxaan ganacsatada ka codsaneynaa inay gacan ka geystaan dhismaha saldhigan, oo qeyb ka ah qorshaha dhiso dalkaaga Hooyo” ayuu yiri Taliyaha ciidanka Booliska.

Dhismahan saldhigan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya ciidanka booliska ee gobolka banaadir iyo ciidamo kale oo tababbar ugu xareysan dugsiga tababbarka ciidanka booliska ee Jeneraal Kaahiya, kuwaasi oo subax kasta marka ay tababbarka soo qaataan kaddib, ka qeyb qaata dhismaha saldhigga cusub ee uu yeelanayo maamulka degmada Xamar Jajab.

BH0A2721 BH0A2733 BH0A2734 BH0A2735 BH0A2737 BH0A2740 BH0A2741 BH0A2749 BH0A2753 BH0A2772 BH0A2773 BH0A2791 BH0A2793 BH0A2800 BH0A2815 BH0A2818 BH0A2829 BH0A2831 BH0A2832 BH0A2837 BH0A2841 BH0A2851 BH0A2852 BH0A2866 BH0A2869 BH0A2871

 

 

 

Previous Post

Guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafka NUSOJ oo la kulmay suxufiyiin

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In