Thursday, January 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka booliska iyo guddoomiyaha gobolka oo ka qeyb qaatay dhismaha Saldhig boolis “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka booliska iyo guddoomiyaha gobolka oo ka qeyb qaatay dhismaha Saldhig boolis “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed oo uu wehliyo Guddoomiyaha Gobolka  Banaadir iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka booliska ayaa maanta   hawlo  kormeer  ah ku tegay Saldhigga booliska ee Degmada  Xamar  Jabjab oo  dhismihiisa  uu ka socdo  halkaasi, isla markaana meel fiican maraya, waxaana howsha si wada jira ah uga qeyb qaadanayay saraakiisha ciidanka booliska iyo maamulka gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale  ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka qaybqaadanayaan dhismaha saldhigga  Booliska  Xamar  Jabjab,  isagoo xusay inay ku kabayaan  dhismaha  saldhigga  lacag dhan tobon kun oo doolar,  waxaana  uu raja wanaagsan ka muujiyay in lagu guulaysan doono qorshaha iskaa wax uqabso  ah ee lagu dhisayo saldhigga.

Related posts

Soomaaliya oo ka mahadcelisay dowladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee garab istaagay

Soomaaliya oo ka mahadcelisay dowladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee garab istaagay

December 31, 2025
Hay’adda NIRA oo xarun cusub ka furatay degmada Ceeldheer

Hay’adda NIRA oo xarun cusub ka furatay degmada Ceeldheer

December 31, 2025

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamad Sheekh Xasan Xaamud  ayaa ka sheekeeyay  sida  ay ku dhalatay  fikrada  dhismaha  saldhigaan iyo marxaladiihii uu soo  maray,  waxaana uu intaa ku daray qorshaha iskaa wax uqabso ee lagu dhisayo saldhigaan uu bilaw unoqonayo dib u dayactirka saldhigyada booliska ee gobolka banaadir.

“Runtii bishii November ayaan halkan dhagax dhignay oo aan bilownay in laga dhigo saldhig boolis, howshan waxaa lagu bilaabay lacag ay iska arruuriyeen ciidanka booliska iyo Maamulka degmada Xamar Jajab oo dhankooda wax ku kabay, marka waxaan ganacsatada ka codsaneynaa inay gacan ka geystaan dhismaha saldhigan, oo qeyb ka ah qorshaha dhiso dalkaaga Hooyo” ayuu yiri Taliyaha ciidanka Booliska.

Dhismahan saldhigan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya ciidanka booliska ee gobolka banaadir iyo ciidamo kale oo tababbar ugu xareysan dugsiga tababbarka ciidanka booliska ee Jeneraal Kaahiya, kuwaasi oo subax kasta marka ay tababbarka soo qaataan kaddib, ka qeyb qaata dhismaha saldhigga cusub ee uu yeelanayo maamulka degmada Xamar Jajab.

BH0A2721 BH0A2733 BH0A2734 BH0A2735 BH0A2737 BH0A2740 BH0A2741 BH0A2749 BH0A2753 BH0A2772 BH0A2773 BH0A2791 BH0A2793 BH0A2800 BH0A2815 BH0A2818 BH0A2829 BH0A2831 BH0A2832 BH0A2837 BH0A2841 BH0A2851 BH0A2852 BH0A2866 BH0A2869 BH0A2871

 

 

 

Previous Post

Guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafka NUSOJ oo la kulmay suxufiyiin

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Soomaaliya oo ka mahadcelisay dowladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee garab istaagay

Soomaaliya oo ka mahadcelisay dowladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee garab istaagay

December 31, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mahadnaq ballaaran u jeedinaysaa dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee garab-istaagga iyo taageerada buuxa u muujiyay...

Hay’adda NIRA oo xarun cusub ka furatay degmada Ceeldheer

Hay’adda NIRA oo xarun cusub ka furatay degmada Ceeldheer

December 31, 2025
0

Munaasabad kooban oo lagu daahfurayay xarunta cusub ee Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta ee NIRA ayaa lagu qabtay magaalada Ceeldheer ee...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo wada hadal la yeeshay dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Somalia, Saudi Arabia Reaffirm Support for Somalia’s Sovereignty

December 31, 2025
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held a telephone conversation on Wednesday with his...

President Hassan Sheikh Announces Major Oil and Gas Breakthrough; Turkish Drilling Ship Set for Historic Deployment

President Hassan Sheikh Announces Major Oil and Gas Breakthrough; Turkish Drilling Ship Set for Historic Deployment

December 31, 2025
0

The President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Hassan Sheikh Mohamud, has made a historic announcement declaring significant progress...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In