Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka booliska oo darajooyin u xiray saraakiil la dalacsiiyay oo dumar ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka booliska oo darajooyin u xiray saraakiil la dalacsiiyay oo dumar ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa u xiray maanta dallacaada haweeney kamid ah saraakiisha booliska Soomaaliyeed  oo noqotay haweeneydii ugu horeysay marka loo eego ciidanka booliska haweenka kujira ee abid gaarta darajada Gaashanle sarre.

Faadumo Xasan Maxamed ( Neero )  oo ah madaxa hogaanka is dhaxgalka bulshada iyo booliska ayuu taliyaha u xiray darajada lagu dalacsiiyay , waxaana Faadumo ay ciidanka booliska Soomaaliyeed kusoo biirtay 1971 , intaasina waxay ku dhaxjirtay howlaheeda, iyadoo meelo kala duwan kasoo shaqeysay oo booliska ah .

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

”Taliyaha  ciidanka booliska   ayay ugu horreynta u mahadcelisay, iyada oo sheegtay in taliyuhu uu mudnaanta siiyay gabdhaha , aniga 1971-dii ayaan soo qortay ciidanka booliska ,  taliyaha booliska waa shaqsi  xaqa yaqaano , gabdhaha tiro yar ayaan eheyn dhanka  gabdhaha booliska ku jiray, haatan wey saa’ideen  ku dhawaad waxaan iminka nahay kun ”  ayay tiri gaashanle sarre Faadumo Xasan Maxamed.

Taliyaha waxa uu sidoo kale u xiray darajada madaxa waaxda ka hortagga tacadiyadda haweenka iyo carruurta Dhamme  Idil Cabdullaahi Xasan iyo kuxigeenkeeda  Dhamme Raxma Salaad Maxamed ayaa dhankooda u mahadceliye Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud kuna amaanay dalaalka dheeriga ah uu galiyo ciidanka booliska gaar ahaan haweenka .

”Waxaanu eheyn markii loo eego booliska in gabdhaha la arki jiray kaliya xiliyada 20 Desembar oo ah aas aaska ciidanka booliska, mana jirin in goobo kale nagula arko, hase yeshee maanta waxaanu nahay kuwo la qeyb sanayo ragga howlaha ay hayaan hayaan, taasina waxaa mahadeeda leh taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ” ayay tiri Dhamme Raxma Salaad Maxamed .

Taliyaha ciidanka booliska  S/G Maxamed Sheekh Xasan Xaamud  oo ugu dambeyn ka hadlay goobtii dalacsiinta loogu xerayey saraakiishaan gabdhaha ah ayaa sheegay inay ku dadaalan in la xoojiyo booliska, taasina ay keentay in la dhiso waaxda isdhaxgalka bulshada iyo booliska Soomaliyeed, Faadumana tahay gabadhii ugu horeysay ee booliska Soomaaliyeed taariikhdiisa gashanle sare ka noqota .

A1 A1 A5 A7 A10 A11 A13

 

Previous Post

Madaxda Qaranka oo sagootin u sameysay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Next Post

Afhayeenka AMISOM oo sheegay in xaalad beni’aadanimo ay ka jirto magaalada Ceel Baraf

Next Post
Kenya oo sheegtay in howlgal ka dhacay J/Hoose ay ku dishay maleeshiyaad katirsan Al-shabaab

Afhayeenka AMISOM oo sheegay in xaalad beni'aadanimo ay ka jirto magaalada Ceel Baraf

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In