Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Baydhabo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Baydhabo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo wafdi saraakiil ah oo uu hogaaminayo oo ka tirsan taliska dhexe ee Booliska ayaa gaaray maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed, iyagoo halkaasi u tagay qiimaynta amniga deegaannada Maamulkaas iyo baahiyaha Booliska ay qabaan.

Jeneraal Xijaar waxa uu sheegay in socdaalkooda Baydhabo uu la xiriiro sahan ballaaran oo Booliska Federaalku ku samaynayo deegaannada dawlad goboleedyada, si loo ogaado heerka diyaar garowga sugidda amniga doorashooyinka heer Federaal ee dalka ku soo fool leh iyo dejinta qorshaha horumarineed ee Booliska Soomaaliyeed sanadka soo socda.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

Sahanka ayaa la doonayaa in gundhig looga dhigo hawlqabadka Booliska ee sanadka 2021-ka, ee dhinacyada qorista ciidamo dheeraad ah, dhismayaasha saldhigyo cusub, saraakiisha la qaadanayo iyo wax ka qabashada baahiyaha kale ee Booliska.

Taliyaha Booliska ayaa xusay in ay qorshaynayaan booqashada dhawr degmo oo ka tirsan Koonfur Galbeed, lana kulmayaan saraakiisha ciidamada iyo Madaxda dawlad goboleedka, si ay u soo ogaadaan xogaha rasmiga ah ee Booliska heer Federaal iyo heer dawlad goboleed ee aagaasi ka hawlgala.

Previous Post

Shirka Wadajirka Ee Amniga Gobolka Mudug Oo Lagu Heshiiyay In La Xoojiyo Wada Shaqeynta Labada Dhinac “SAWIRRO”

Next Post

Qoysaska Ku Nool Wanlaweyn Ee Saameynta Ku Yeeshay Fatahaadda Webiga Shabeelle Oo Xaalado Adag Soo Wajahday “SAWIRRO”

Next Post
Qoysaska Ku Nool Wanlaweyn Ee Saameynta Ku Yeeshay Fatahaadda Webiga Shabeelle Oo Xaalado Adag Soo Wajahday “SAWIRRO”

Qoysaska Ku Nool Wanlaweyn Ee Saameynta Ku Yeeshay Fatahaadda Webiga Shabeelle Oo Xaalado Adag Soo Wajahday “SAWIRRO”

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In