Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la dardaarmay Saraakiishii dhawaan la dalacsiiyay”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la dardaarmay Saraakiishii dhawaan la dalacsiiyay”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan Casha sharaf ah oo xalay lagu qabtay  xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis, gaar ahaan, Laanta Miina Baarista Booliska ee (MBB) ayaa ugu horayn lagu guddoonsiiyay Saraakiisha Laanta Miisa Baarista Booliska ee uu dhawaan dalacsiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya wareegtadoodii  ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha, iyo faafintii rasmiga ahayd ee uu u Sameeyay taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ugu horayn, waxaa kulanka Cashada ah ka hadlay taliyaha Laanta Miina Baarista Booliska Soomaaliyeed G/sare C/kariin Xuseen Macalin oo isagu ka mid ah Saraakiisha dalacday, waxa uuna u mahad celiyay taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo marwalbaa u taagan horumarinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

March 11, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

March 11, 2026

Sidoo kale, taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed oo goobta ka hadlay ayaa aad u bogaadiyay Saraakiisha la dalacsiiyay, waxa uuna ku dhiirigaliyay in dadaalkooda ay sii laba jibaaraan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Shiekh Xasan Xaamudd oo ugu dambayn kulanka ka hadlay ayaa kula dardaarmay Saraakiisha la dalacsiiyay in ay wax kastaa ka hormariyaan shaqada Qaranka, islamarkaana ay hormuud u noqdaan Dhiigga Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si dalka loo gaarsiiyo nabad iyo daganaasho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Shiekh Maxamuud ayaa 25/11/2015 kaga dhawaaqay xafladd lagu soo bandhigayay waxqabadka Laanta Miina Baarista Booliska Soomaaliyeed dalacaadda dhamaan Ciidanka Miina Baarista Booliska Soomaaliyeed, kadib markii uu madaxweynuhu la dhacay dadaalka gaar ahaaneed ee ka muuqda Laanta Miina Baarista Booliska iyo juhdiga uu galiyay taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

20160101_191642

20160101_19331320160101_193411  20160101_193652

20160101_193313

Previous Post

Boqortooyada Sucuudiga oo 47 qofood ku fulisay xukun dil ah

Next Post

Wasaaradda Maaliyadda oo soo bandhigtay Hindisaha Daah-furnaanta Dowladda

Next Post
Wasaaradda Maaliyadda oo soo bandhigtay Hindisaha Daah-furnaanta Dowladda

Wasaaradda Maaliyadda oo soo bandhigtay Hindisaha Daah-furnaanta Dowladda

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta mar kale khudbad ka jeedisay shir...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka aan...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo soo saartay Liiska Nootaayooyinka sharciyaysan

March 11, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS ayaa waxa ay si rasmi ah ula wadaagaysaa dadweynaha iyo dhammaan daneeyaasha liiska...

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

March 11, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa shir guddoomiyay kulanka hagista iyo isku dubbaridka mashruuca...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In