Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulan muhiim ah la-qaatay dhiggiisa, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Jamhuuriyadda Turkiga Jeneraal Metin Tokel.
Kulanka ayaa waxaan diiradda lagu saaray sii adkaynta iskaashiga milateri iyo xoojinta wada-shaqaynta dhanka hawlgallada ciidan, Labada dhinac ayaa si qoro dheer u wada gorfeeyay dardar-gelinta barnaamijyada tababarka, tayeynta ciidammada iyo kor u qaadista awoodda difaaca.
Gebagebadii ayaa Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi waxaa u dhiggiisa uga mahadceliyay garab istaagga walaaltinimo iyo taageerada hagar-la’aaneed ee ay markasta la garab taagan yihiin dib u dhiska iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka.











