Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka oo uga mahadceliyey Safiirka Britain taageerada ciidanka xoogga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 2, 2015
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka oo uga mahadceliyey Safiirka Britain taageerada ciidanka xoogga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareyo Gaas Maxamed Aaden Axmed, ayaa kulan kula yeeshan xarunta Safaaradda Great Britain ee magaalada Muqdisho  Safiirka u fadhiya Soomaaliya Danjire Harriett Mathews. Waxaana ay ka wada hadleen taageerada ay Boqortooyada Ingiriisku  siiso ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Iyadoo ay isku afgarteen in la kordhiyo tirada iyo taakuleynta ay siiyaan ciidanka xoogga.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Danjire Harriett Mathews ayaa balanqaaday inay bixinayaan mushaaraadka ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60aad, iyadoo sidoo kale sheegtay in ay ka qeyb qaadanayaan dib u dhiska xeryaha Ciidamada si loo xoojiyo tayada iyo tababarka ciidanka.

Sidoo kale Danjiruhu waxay ka tacsiyeysay dadkii ku dhintay weerarkii Argagixiso ee Hotel Saxafi, iyadoo u rajeysay inta dhaawaca ahna in ay kasoo kabtaan.

Ugu danbeyntii Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa uga mahadceliyey Safiirka iyo Dawladda Britain taageerada ay siinayso dib u dhiska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dadaallada dib-u-dhiska dalka.

Taliyaha oo ka hadlayay wuxuu yiri: “Waxaan Safiirka isku afgaranay sidii ay Britain u xoojin lahayd taageerada ay siiso ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Waxaan soo dhaweynayaa balanqaadka ay sameysay inagoo rajeynaya in uu hirgeli doono xiliyada dhow ee soo socda”.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii la magacaabay wadey sidii dib u dhis xooggan loogu sameyn lahaa ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa xuquuqda ciidamada Qalabka sida.

1 2 3

 

 

Previous Post

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay aga gaarka buulo burde

Next Post

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo Muqdisho Kula Kulmay Wafdi Ka Socda FAO

Next Post
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo Muqdisho Kula Kulmay Wafdi Ka Socda FAO

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo Muqdisho Kula Kulmay Wafdi Ka Socda FAO

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In