Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka X.D.S. oo kulan la qaatay Taliyaha Tababarrada Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka X.D.S. oo kulan la qaatay Taliyaha Tababarrada Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen, C/wali Jaamac Gorod ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga kula kulmay Taliyaha Tababarrada Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Addis Pietro.

Kulankan ayaa wuxuu ahaa mid isbarasho ah maadaama dhawaan la magacaabay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka, sidoo kale waxay ka wada hadleen sidii loo dardar galin lahaa Tababarrada Midowga Yurub ay siiyaan Ciidamada xoogga dalka iyo sidii wada shaqeyn u dhex mari laheyd labada Masuul.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

C/wali Jaamac Gorod Taliyaha Ciidamada xoogga dalka ayaa uga mahad celiyay Taliyaha sida Midowga Yurub ay ku garab taagan yihiin Ciidamada xoogga dalka, iyagoo bixiya Tababarro heer sare ah sidoo kalena ku taageera ciidamada Soomaaliya Saanad Militari.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka ayaa ka codsaday Taliyaha Tababarrada Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Addis Pietro, inay door weyn ka qaataan dagaalka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Dalka oo dhawaan lagu qaadi doono deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan Maleeshiyada Argagaxisada Al shabaab iyo in Midowga Yurub Howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya la sii xoojiyo, maadaama dalka uu ka socdo dib u dhis xooggan oo lagu sameynayo Ciidamada si loo xaqiijiyo xasilinta amniga guud ee dalka.

C/wali Jaamac Gorod ayaa maalmahan waday kulamo uu ku dardar galinayo howlaha horyaala ciidamada xoogga dalka, isagoo shalay kulan la qaatay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidamada AMISOM, waxayna ka wada hadleen sidii la iskaga kaashan lahaa dagaalka, guud ahaanba dalka looga ciribtirayo cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Al shabaab.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Jabuuti+Sawirro

Next Post

Tababarka tababarayasha kubadda Gacanta Soomaaliya oo Djibouti lagu soo xiray+Sawirro

Next Post
Tababarka tababarayasha kubadda Gacanta Soomaaliya oo Djibouti lagu soo xiray+Sawirro

Tababarka tababarayasha kubadda Gacanta Soomaaliya oo Djibouti lagu soo xiray+Sawirro

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In