Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka XDS oo kormeeyay hoggaannada ciidanka “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka XDS oo kormeeyay hoggaannada ciidanka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

S/G Maxamed Aaden Axmed taliyaha ciidanka XDS ayaa maanta kormeer howlleed oo ugu kuur-geliyo xaaladda Ciidanka Xoogga dalka ku sameeyey hoggaamada kala duwan ee Ciidamadda iyo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, isagoo warbixin ka dhageystay saraakiishii ku sugnayd goobihii uu booqday, wuxuna dhinaca kale kulan la qaatay Saraakiil ka socota dawladda aanu walaalaha nahay ee Turkiga kuwaas oo gacan siiya taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed  ayaa si weeyn ugu  kuurgalayay xaaladda dhabta ah ee ay Ciidamaddu ku shaqeeyaan, waxaana uu  taliyihu booqdey Dhismooyin ay Ciidamada leeyihiin oo ku burburay dagaalladii wadanka ka dhacay.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

“Waxaan idin ku ammaanayaa sida aad naftiina ugu hurteen bad baadinta difaaca iyo badbaadinta dalka, waxaana tihiin geesiyaal qaran, ummadda Soomaaliyeedna waa in ay taas ogaataa gacanna nagu siiyaan sidii aan dalkeena cadowga kusoo duulay uga sifeyn lahayn, waxaan u jeedaa bur-bur iyo baahi kala duwan oo la rabo in si deg deg ah wax looga qabto, waana midda aan hadda dadaalka ugu jirno sidii aan wax un uga qaban lahayn” ayuu yiri Taliyaha oo la hadlayay Saraakiishii uu kula kulmay hoggaamada.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aaden Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socotay dawladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, wuxuna Taliyuhu boggaadiyey gacanta walaaltinimo ee mar walba ay dawladda iyo shacabka Turkigu la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, wuxuna si gaar ah uga mahadceliyey gacan siinta Ciidanka X.D.S, isagoona xusay in taliska guud ee ciidanka xoogga dalku uu diyaar u yahay sidii uu wada shaqayn dhaw ula yeelan lahaa saraakiisha maadaama ay kamid yihiin dalalka taageera ciidanka Xoogga dalka

talie-ciidan-1 talie-ciidan-2 talie-ciidan-3 talie-ciidan-4 talie-ciidan-5 talie-ciidan-7 talie-ciidan-8

Previous Post

R/wasaare ku-xigeenka oo sheegay inay billaabaneyaan wada hadallada Dowladda iyo maamulka Somaliland

Next Post

Dowladda Rushka oo ka dalbatay Mareykanka iney is dhaafsadaan xogta duqeynta kooxda ISIS

Next Post
Dowladda Rushka oo ka dalbatay Mareykanka iney is dhaafsadaan xogta duqeynta kooxda ISIS

Dowladda Rushka oo ka dalbatay Mareykanka iney is dhaafsadaan xogta duqeynta kooxda ISIS

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In