Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka XDS oo kormeeyay hoggaannada ciidanka “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka XDS oo kormeeyay hoggaannada ciidanka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

S/G Maxamed Aaden Axmed taliyaha ciidanka XDS ayaa maanta kormeer howlleed oo ugu kuur-geliyo xaaladda Ciidanka Xoogga dalka ku sameeyey hoggaamada kala duwan ee Ciidamadda iyo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, isagoo warbixin ka dhageystay saraakiishii ku sugnayd goobihii uu booqday, wuxuna dhinaca kale kulan la qaatay Saraakiil ka socota dawladda aanu walaalaha nahay ee Turkiga kuwaas oo gacan siiya taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed  ayaa si weeyn ugu  kuurgalayay xaaladda dhabta ah ee ay Ciidamaddu ku shaqeeyaan, waxaana uu  taliyihu booqdey Dhismooyin ay Ciidamada leeyihiin oo ku burburay dagaalladii wadanka ka dhacay.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

“Waxaan idin ku ammaanayaa sida aad naftiina ugu hurteen bad baadinta difaaca iyo badbaadinta dalka, waxaana tihiin geesiyaal qaran, ummadda Soomaaliyeedna waa in ay taas ogaataa gacanna nagu siiyaan sidii aan dalkeena cadowga kusoo duulay uga sifeyn lahayn, waxaan u jeedaa bur-bur iyo baahi kala duwan oo la rabo in si deg deg ah wax looga qabto, waana midda aan hadda dadaalka ugu jirno sidii aan wax un uga qaban lahayn” ayuu yiri Taliyaha oo la hadlayay Saraakiishii uu kula kulmay hoggaamada.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aaden Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socotay dawladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, wuxuna Taliyuhu boggaadiyey gacanta walaaltinimo ee mar walba ay dawladda iyo shacabka Turkigu la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, wuxuna si gaar ah uga mahadceliyey gacan siinta Ciidanka X.D.S, isagoona xusay in taliska guud ee ciidanka xoogga dalku uu diyaar u yahay sidii uu wada shaqayn dhaw ula yeelan lahaa saraakiisha maadaama ay kamid yihiin dalalka taageera ciidanka Xoogga dalka

talie-ciidan-1 talie-ciidan-2 talie-ciidan-3 talie-ciidan-4 talie-ciidan-5 talie-ciidan-7 talie-ciidan-8

Previous Post

R/wasaare ku-xigeenka oo sheegay inay billaabaneyaan wada hadallada Dowladda iyo maamulka Somaliland

Next Post

Dowladda Rushka oo ka dalbatay Mareykanka iney is dhaafsadaan xogta duqeynta kooxda ISIS

Next Post
Dowladda Rushka oo ka dalbatay Mareykanka iney is dhaafsadaan xogta duqeynta kooxda ISIS

Dowladda Rushka oo ka dalbatay Mareykanka iney is dhaafsadaan xogta duqeynta kooxda ISIS

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In