Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka xooga “Waan wada xisaabtamaynaa runta markaan idin sheego”

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka XDS oo kormeeyay hoggaannada ciidanka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka todobaadlaha ahaa  oo ay maanta ku yeesheen saraakiisha ciidanka xooga dalka ayaa waxaa looga hadlayay daryeelka askarta ciidanka, waxaana ka qeybgalay taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed sareeyo gaas Maxamed Aadan Axmed iyo madaxda hogaanada ciidanka xooga kaas oo maanta lagu qabtay xarunta taliska ciidanka xooga dalka ee magaalada Muqdisho.

Kooxda Horseed ee ciidanka xooga, ayaa goobta ku soo bandhigay suugaan ka turjamaysay ahmiyadda ciidanka isla markaana dhiirigelin u aheyd dhamaan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Taliyaha ciidanka xooga dalka, oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in kulankan maanta oo ayaga gaar u ahaa, isagoo askarta ciidanka xooga dalka ku booriyay in ay su hufan u gutaan waajibkooda aysana saameyn ku yeelanin duruufaha adag ee haatan dalka ka jira.

Sareeyo gaas, Maxamed Aadan Axmed taliyaha ciidanka xooga dalka, ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in saraakiisha xooga looga baahan yahay in ay howshooda ka soo dhalaalaan isla markaana lala xisaabtami doono cidii shaqada qaranka u egmaday ka soo bixi weyday.

Kulanka todobaadlaha ah oo ay isugu yimaadaan saraakiisha ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa beri samaadkii ahaa mid maalin kasta oo Khamiis ah ka dhici jirey Shiirkole ofishaale oo ahaa guriyihii saraakiisha ciidanka xooga dalka, hase yeeshee waxaa hadda ku guuleystay in uu dib u soo nooleeyo sareeyo gaas Maxamed Aadan Axmed taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

 

 

Previous Post

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubaland oo ka qeyb galay Dabaaldaga Dhaqanka iyo Farshaxanka ee Kismayo “SAWIRRO”

Next Post

Maamulka deegaanka Ceeldibir oo ka hadlay xaalada deegaanka

Next Post

Maamulka deegaanka Ceeldibir oo ka hadlay xaalada deegaanka

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In