Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Botswana kaga qeyb galay shirka Ciidanka Qaaradda Afrika

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Botswana kaga qeyb galay shirka Ciidanka Qaaradda Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe)  ayaa ka warbixiyey shirk u saabsan ciidamada Afrika oo uu kaga qeyb galay maalmihii lasoo dhaafay magaalada Gaborino ee dalka Botswana.

Taliyaha ayaa sheegay in shirkan oo ay kasoo qeyb galeen inta badan dalalka Afrika lagaga arrinsaday sidii la isaga kaashan lahaa dhanka tayeynta iyo tabbarrada Ciidanka Lugta ee dalalka Qaaradda Afrika iyo in ay awood buuxda u yeeshaan xasilinta iyo amniga.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Taliyaha Ciidanka ayaa tilmaamay in dalalka Afrika ee ka qeyb galay shirka ay ka wada hadleen mideynta dadaallada lagu cirib tirayo argagixisada kasoo horjeedda horumarka Gobolka.

“Shirkan waxaan isku aragnay Taliyeyaasha iyo Saraakiisha dalalka ciidamadoodu ay Soomaaliya ku garab siinayaan amniga iyo dagaalka aynu kula jirno agagixisada Alshabaab, kuwaas oo dhammaantood si wada jir ah u bogaadiyey hawlgallada geesinimada ah ee Ciidankeennu ay ku xoreynayaan dhulka iyo shacabka Soomaaliyeed.”

Dhanka kale, Taliye Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa kulan gaar ah la yeeshay Taliyaha Guud ee Ciidamada Maraykanka ee Afrika Sarreeye Guud Roger Cloutier. iyagoona ka wada hadalay xaaladda amni ee Soomaaliya, gaar ahaan tayeynta Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta dhanka hubka oo caqabad weyn ku ah hawlaha dib u dhiska Ciidankeenna, taas oo uu Jenaarlku ballan qaaday in uu kaalintiisa ka qaadan doono.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya+Sawirro

Next Post

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo kormeeray qeybaha kala duwan ee Garsoorka Puntland+Sawirro

Next Post
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo kormeeray qeybaha kala duwan ee Garsoorka Puntland+Sawirro

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo kormeeray qeybaha kala duwan ee Garsoorka Puntland+Sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In