Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Botswana kaga qeyb galay shirka Ciidanka Qaaradda Afrika

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Botswana kaga qeyb galay shirka Ciidanka Qaaradda Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe)  ayaa ka warbixiyey shirk u saabsan ciidamada Afrika oo uu kaga qeyb galay maalmihii lasoo dhaafay magaalada Gaborino ee dalka Botswana.

Taliyaha ayaa sheegay in shirkan oo ay kasoo qeyb galeen inta badan dalalka Afrika lagaga arrinsaday sidii la isaga kaashan lahaa dhanka tayeynta iyo tabbarrada Ciidanka Lugta ee dalalka Qaaradda Afrika iyo in ay awood buuxda u yeeshaan xasilinta iyo amniga.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Taliyaha Ciidanka ayaa tilmaamay in dalalka Afrika ee ka qeyb galay shirka ay ka wada hadleen mideynta dadaallada lagu cirib tirayo argagixisada kasoo horjeedda horumarka Gobolka.

“Shirkan waxaan isku aragnay Taliyeyaasha iyo Saraakiisha dalalka ciidamadoodu ay Soomaaliya ku garab siinayaan amniga iyo dagaalka aynu kula jirno agagixisada Alshabaab, kuwaas oo dhammaantood si wada jir ah u bogaadiyey hawlgallada geesinimada ah ee Ciidankeennu ay ku xoreynayaan dhulka iyo shacabka Soomaaliyeed.”

Dhanka kale, Taliye Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa kulan gaar ah la yeeshay Taliyaha Guud ee Ciidamada Maraykanka ee Afrika Sarreeye Guud Roger Cloutier. iyagoona ka wada hadalay xaaladda amni ee Soomaaliya, gaar ahaan tayeynta Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta dhanka hubka oo caqabad weyn ku ah hawlaha dib u dhiska Ciidankeenna, taas oo uu Jenaarlku ballan qaaday in uu kaalintiisa ka qaadan doono.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya+Sawirro

Next Post

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo kormeeray qeybaha kala duwan ee Garsoorka Puntland+Sawirro

Next Post
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo kormeeray qeybaha kala duwan ee Garsoorka Puntland+Sawirro

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo kormeeray qeybaha kala duwan ee Garsoorka Puntland+Sawirro

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In