Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha cusub ee Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo xilka la wareegay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Taliyaha cusub ee Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo xilka la wareegay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan oo aheyd mid balaaran ayna ka qeyb galeen Mas’uuliyiinbadan oo isugu jira Wasiiro iyo saraakiil ka socota Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya iyo Diblumaasiyiinta Wadamada Caalamka u jooga Soomaaliya in badan oo ka mid ah ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta Ciidamada Midawga Yurub Ee Soomaalyia oo ku taala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Ee magaalada Muqdisho waxaana ay aheyd mid uu Xilka kula wareegay Taliyaha Cusub Ee Howlgalka Midawga Yurub Ee Soomaaliya Genaraal Antonio Maggi

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Dalxiiska Xukuumada Soomaaliya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ka mid ahaa Mas’uuliyiint Dowladda Soomaalia ka socday ee ka qeyb galay munaasbada dhanka caalamka waxaa ka mid ahaa Xubnaha uga qaybgalay Safiirka Midawga Yurub Ee Soomaaliya, u qaabilsanaha QM Ee Soomaaliya, Danjirayaasha wadamada Talyaaniga, France,Wakiilka Midawga Afrika Ee Soomaaliya iyo Xubno kale.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

Xafladaas xil wareejinta aheyd ayaa waxaa dadkii ka hadlay ka mid ahaa Taliyihii Hore Ee Howlgalka Midawga Yurub Ee Soomaaliya Genaraal Marcimo Mangiardi oo mahad naq balaaran u jeediyay dhamaan dhinacyadii la soo sheeqeeyay mudadii uu xilkaas hayay waxaana uu Taliyaha Cusub u rajeeeyay in xaaladda adag ee Soomaaliya ku jirto uu wax badan ka qaban doono.

Safiirka Midawga Yurub Ee Soomaaliya Michel Cervone oo isna ka hadlay xaflada ayaa waxaa uu sheegay in Midawga Yurub ay ka Go’antahay in ay Soomaaliya taageero dhan walba ah la garab istaagaan isagoo intaa ku daray in bisha soo socota ay Soomaaliya imaaan doonaan Ciidamo dheeraad ah oo ka socda Midawga Yurub isla markaana si dhaw ula shaqeyn doonna Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

La taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhanka amniga Janaraal Cabdiraxmaan Sheekh Ciise ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si diiran u soo dhaweyneyso Taliyaha Cusub ee Midawga yurub u soo Magacaabay Soomaaliya isla markaana ay ka rajeynayso waxqabad dhab ah.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Kulan sagootin ah oo loo sameeyay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta

Next Post
Wasiir Dhuxulow oo ka tacsiyeeyey Geerida Maxamed Weli Xasan Macow

Kulan sagootin ah oo loo sameeyay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In