Sunday, February 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha CXD oo Booqday Xerada Kumaandooska Soomaaliya ee G/Shabeellaha Hoose

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Taliyaha CXD oo Booqday Xerada Kumaandooska Soomaaliya ee G/Shabeellaha Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Maanta Kormeer shaqo ku tagay Saldhigga ugu weyn ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo ku yaala  Degaanka Balidoogle ee Gobolka Shabellada Hoose.

Related posts

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

February 22, 2026
Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

February 22, 2026

General Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe Markii uu gaaray Saldhigga Balidoogle waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Danab ee Kumaadooska Soomaaliya.

Ciidanka xaruntaan dagan oo ah kuwa fuliya weerarada gaarka ah ee lagu Bartilmaameedsado Nabadiidka Al-shabaab ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka waxa uu la yeeshay kulumo iyo is xog wareeysi uu ku oganayo sida ay u socdaan howlgalada qorsheysan.

S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in ciidamada danab ay yihiin indhaha ciidamada qalabka Sida waxa uuna uga mahadceliyay guulaha la taaban karo ay kasoo hooyeen dagaalka lagu ciribtirayo Nabadiidka Al-shabaab.

Taliyaha ayaa Xusay in ay ka go,an tahay in dalka laga xoreeyo Argagixisada Horumarka iyo Nabada dalka diidan isagoo tilmaamay in qorshaha taliska Ciidanka Xoogga dalka uu yahay in la balaariyo Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya si ay usoo afjaraan Cadowga ummada Soomaaliyeed ee  Al-shabaab.

Qeybaha kala duwan ee xerada tababarka Balidoogle ayuu kormeeray general Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe

Ciidamada Danab ayaa ah kuwo si gaar ah u fuliya howlada qorsheysan ee lagu qaarajiyo Horjogayaasha iyo maleyshiyaadka ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay shirarka Tubaha Amniga iyo Siyaasadda loo dhanyahay “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Safiirka cusub Turkiga ee Soomaaliya

Next Post
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Safiirka cusub Turkiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Safiirka cusub Turkiga ee Soomaaliya

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

February 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa guddoomiyay kulanka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

February 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa wada howlgallo qorsheysan, kaas oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya aagga deegaanka...

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa shir-guddoomiyay kulan Guddiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In